Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay
    June 8, 2026
    Kulan looga hadlayay ilaalinta carruurta ee ka hortagga colaadaha hubeysan oo lagu qabtay Muqdisho
    June 8, 2026
    Guddiga qaban qaabada toddobaadka xorriyadda oo kulmay
    June 7, 2026
    Wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka JFS oo booqasho shaqo ku jooga Shiinaha
    June 7, 2026
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo Furay Aqoon isweydaarsiga Qaran ee Barnaamijka Diiwaanka Xasuusta Dunida ee UNESCO
    June 7, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.
GudahaWararka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo ka warbixiyay dedaalada Ra’iisul wasaaraha ee xal u helidda xaaladaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: May 2, 2021
2 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA) Shir Jaraa’id uu qabtay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayuu kaga warbixiyay dedaalada Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ee xal ka gaaridda muranadii Siyaasadeed ee dalka iyo xaaladihii amni ee ka jiray magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in RW uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kedib markii uu Madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta hawlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Talaabooyinkii ugu horeeyay ee xooga la saaray waxa ay ahaayeen arimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama danbeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka amniga waxa uu Ra’iisul Wasaaraha maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in Ciidamada qalabka sida ay ku laabtaan xeryahooda iyagoon kala sooc lahayn, guddigaas maanta ayuu hawl bilaabay.

Sidoo kale Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan Siyaayisiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul wasaaraha iyo horumarka Isfahan ee la xaqiijiyay kuwaa oo wali faraha kula jira ciidamada, waxa uu siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabada ee la waday.

Ugu danbeyn Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ayaa dhamaan ciidamada qalabka sida faray inay faraha la galaan wax ka baxsan waajibaadkooda qaranka ee ah inay difaacaan dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Shirka Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya oo goordhow furmay

Muqdisho(SONNA):-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya. Madashan oo ay soo…

June 8, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile World Congress oo ka furmay dalka Spain

Muqdisho:-SONNA-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha wasaaradda isgaarsiinta & teknolojiyada,Axmed Cismaan Diiriye,kuwaas oo ka qeyb galaya shirweynaha caalamiga ah ee Isgaarsiinta Mobile-ka…

GudahaWararka
March 2, 2023

Mucaaradoow ma idin ka yeeli doonno! (WARBIXIN)

Dowladaan kama duwana Dowladaha Adduunka oo waa lagu dhaliili karaa wax yaabaha ay ka gaabisay Daruuf iyo Farsamo xumo teey…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 22, 2025

Neef gowracan geedo kama waabto (warbixin)

Muqdisho (SONNA) Kooxda khawaarijta Al-shabaab ayaa hada xaladoodu mareeysaa heer gaba qabo ah iyadoona geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaanka…

MaqaalladaWararka
January 22, 2023

Soomaaliya oo ku guuleysatay ka mid noqoshada golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika

Addis Ababa (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay inay ka mid noqoto Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika…

GudahaWararka
February 11, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023