Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
GudahaMaqaalladaWararka

Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’

By Ruush Abdullahi
Last updated: June 3, 2026
6 Min Read
Share

Markabka Cağri Bey oo haatan ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameynaya Xeebaha dalka Soomaaliya, iyadoo tallabadaasi ay qeyb ka tahay fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiye,waxayna haatan u muuqataa in la guda galay fulintooddii. Ceelasha seddexda ah ee uu Turkiga u qodaayo Soomaaliya hadda waa Badda Gunteeda hoose, iyadoo Seddaxda Ceel shidaal ee ugu horeeyo ee Soomaaliya loo qodi doono waxa ay kala yihiin:- Xirmooyinka 142, 152 iyo 153,

Dekadda “Mersin” oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga ayuu ka soo baxay  Markabka weyn ee Drilling Ship, laguna magacaabo ” Cagri Bey (IMO 9705457)”, kaasi oo ah midka ugu muhimsan  Maraakiibta Shidaalka Qodo ee Dalka Turkiga, si uu ugu dambeeyn u bilaabo Qodidda Shidaalka, bacdaama ay soo dhamaatay howlihii kale ee hubinta shidaalka ahaa, hase ahaatee waxaa magaalada Muqdisho laga sagootiyay 10-kii bishii Apriil ee sanadkan.

Wasiirka Battoolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalin weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay in Markabka Cagri Bey oo howlgal shidaal qodis ka sameynaya Xeebaha Soomaaliya. “Maanta waxay noo tahay maalin weyn, waxaan gaarnay xilligii aan lasoo bixi laheyn kheyraadka dalkeena”.

Wasiirka ayaa tilmaamay in tallaabadan ay muujineyso in ay Soomaaliya dib u soo kabaneyso, islamarkaana si rasmi ah uga faa’ideysansyso Kheyraadkeeda dihan. “Maanta waa maalin weyn oo taariikhi ah, waa maalin,muujineysa in Soomaaliya dib u soo kabaneyso, dib u dhisaneyso aayaheeda si kalsooni ugu tallaabsaneyso mustaqbal horumar leh, markabkan maanta u amba-baxaya biyaha Soomaaliya ma ahan oo kaliya qalab farsamo waa astaan qaran,waa rejo waa fursad waa bilow cusub oo ku suntan sharci iyo hufnaan mas’uuliyad,”.

“Turkiye ayaa u soo dirtay Soomaaliya markabka Cagri Bey, taasoo uu Wasiirkeeda Tamarta ku sheegay in uu noqon doono howlgalkii ugu horreeyay ee sahaminta badda ee Ankara ee ka baxsan Aagga badda”, sidaasi waxaa qortay Warbaahinta Turkiye ee TRT. Alparslan Bayraktar oo ku tilmaamay tillaabada mid “waqti taariikhi ah” ku jirta dadaalka sahaminta Saliidda iyo Gaaska ee Turkiga. Wasiirka Tamarta Alparslan Bayraktar wuxuu sheegay in Markabku uu bishii Abriil ka bilaabay qodista ‘Ceelka Curad’ ee Soomaaliya.

Sida laga soo xigtay Bayraktar, howlgalka ayaa ka dhigaya Cagri Bey Markabkii labaad ee Turkiga ee ka howlgala Biyaha Soomaaliya, kadib Oruç Reis, kaasi oo sameeyay ‘Sahmin’ iyo Markabkii ugu horreeyay ee qodaya oo loo diray meel ka baxsan awoodda badda ee Turkiga.

Madaxweynaha JFS Mudane Dr:Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodista Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaalka ugu magac-daray ” Curudkii koowaad”. Waayoo marka uu cidda ku soo biro Wiil waxay Soomalidu dhahdaa ‘Curad’, madaama uu Ceelkaasi noqonayo Ceelkii ugu horreeyay ee Shidaal waa noo Curad. Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa farxaddaasi awgeedna isna Murti ku yiri:-  (ALLOOW REJEDA NOO RUMEEY, RAFAADKA AAN KA REYSANNEE).

Haddaba Warbixin cusub ayaa ka soo baxday qodidda Ceelka Shidaalka ee ‘Curad’:- Kadib markii qodidda Ceelka shidaalka la guda galay bilowga bishii May ee 2026-ka, ayaa warbixintii ugu horraysay ka timid, laakiin kama imaanin injineeradii Ceelka qodayay; kama imaanin Wakaaladda Shidaalka Soomaaliyeed, balse waxay ka timid Madaxweynaha Turkiga, Rajab Urdoghaan, oo yiri, “qodidda waxay qaadanaysaa 6 – 9 bilood; ka duwan qiyaastii hore; goor taas oo aan maqli doonno natiijo dhagaha u fiican.” Goor taas waxay ku aaddan tahay January- February 2027-ka.

Wasiirka Dekedaha ee XFS Cabdul qaadir Maxamad Nuur Jaamac oo ka hadlaayay waqtiga la filayo soo saarista shidaalka ayaa yiri” Lix bilood kadib Soomaaliya waxa ay heysataa Shidaal waliba la arki doona isagoo Madow”.

Cagri Bey, Markabka qodayo ‘Curad’:- Hal bil oo Ceel-shidaal-qodid ah ayaa u dhammaatay. Guusha ma foga, ee suumanka xirta. Waxaa harsan 5-8 bilood oo shaqo ah. Allow khayrka na waafaji, sharta naga duw. Aamiin!

Shaqooyinka muhiimka u ah qodidda ee Cegri Bey uu sameeyay iyo howsha uu haatan wado, sida uu qoray Eng. Cabdulqaadir Abiikar Xasan oo ah Khabiir Somaaliyeed,wuxuuna qoraalkiisa ku xusay 4-taan Qodob:-

  1. Howlaha ka hor qodidda ee ah ku-meelaynta Markabka bartii la qodayay, ku xijin tiisa bartaas iyo diyaarinta goobta shaqada. Hawshaas waxaa la qabtay muddadii u dhexaysay 15-30 ka April 2026-ka. Ku-xajinta Markabka bartii ay sheegtay 3-D saysmikada, ka horna ay sii sheegtay xogaha 2-D ga. Nadiifinta salka badda, iyadoo la adeegsanayo Remotely Operated Vehicles (ROV) iyo baarista badda salkeeda barta la qodayo inay siman tahay iyo in kale.
  2. In hoos loo dejiyo isku-xiraha (marine raiser) madaxa ceelka ee badda salkeeda ah iyo Markabka Cegri Bey iyo joojiyaha cadaadinta inay qarxiso Ceelka, loo yaqaano Blowout Preventor (BOB). Howlaha 1-aad iyo 2-aad waxaa la sameeyay bishii April gudaheeda. Qalabka dhammaan waa la qiyasay.
  3. Qodidda ayaa billaabatay bilowga May –sida la faafiyay 5-tii May 2026ka – way socotaa qodidda illaa maanta oo ah 3-da June 2026-ka. Bil ayay howsha qodidda socotaa. Marka ugu horreyso, drill bit ka (Afka birta ilkaha leh ee ciidda/dhagaxa jaraya) ayaa la dhex-marinayaa marine raiserka, oo tuubbo weyn ah oo isku xirta markabka iyo Ceelka Madaxiisa. Qodidda ayaa la billaabay.
  4. Shaqada qodidda oo socota illaa hadda hal bil ku dhowaad. Riigga Afkiisa ilkaha leh wuxuu jarayaa ciidad kala duwan iyo dhagaxda lakabyada Badda salkeeda yaalla. Maanta in taas ayaan ku jooginayaa. Wixii soo kordhana waan arki doonaa.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’

Markabka Cağri Bey oo haatan ku sugan Xeebaha Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah…

June 3, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Soomaaliya oo masuuliyad wayn iska saaraysa ilaalinta hubka, ka dib markii cunaqabataynta laga qaaday

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii…

GudahaWararka
December 6, 2023

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Taliyaha Taliska AFRICOM 

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Jeneraal Michael E. Langley, oo ah Taliyaha…

GudahaWararka
May 6, 2025

Golaha wadatashiga Qaran oo kulan la leh midowga musharaxiinta+Sawirro

Muqdisho.(SONNA):- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir gudoominaya kulan golaha wadatashiga qaranka ay la leeyihiin midowga Musharixiinta madaxweynaha…

GudahaWararka
January 9, 2022

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Inta badan dalalka dunida ayaa maanta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee caasimadaha ,si kor logu qaado danaha bulshooyinka…

GudahaMaqaallada
October 31, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023