Wararka
Madaxweynaha Burkina Faso oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya
Ouagadougou-(SONNA)-Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, ayaa maanta guddoon siiyay Madaxweynaha Burkina Faso Captain Ibrahim Traore Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo ee uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Maxamud.
Kulanka Madaxweynaha kahor, waxaa nuqul Warqadda Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Wasiirka Arrimaha Dibadda Burkina Faso.
Markii uu Danjiraha warqadda dhiibay kadib, wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Burkina Faso, isagoo gaarsiiyay salaan gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Maxamud.
Madaxweynaha Burkina Faso ayaa dhankiisa bogaadiyay magacaabidda Danjiraha iyo dadaalada xoojinta xiriirka labada dal, isagoo sheegay in dhankooda ay ka go’antahay Iskaashiga labada dal ee walaalaha in sare loo qaado, gaar ahan dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo Iskaashiga labada dal.


