Gudaha
Shacabka Muqdisho oo u dabaaldegaya doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka hirgalay dalka

Muqdisho,(SONNA):- Shacabka Muqdisho ayaa caawa isugu soo baxay fagaaraha Isgoyska Taleex Degmada Hodan iyo Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, iyagoo u dabaal-degaya doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee lagu doortay Hoggaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
Shacabka isku soo baxay ayaa usugu jira haween, carruur iyo dad da' ah, kuwaas oo u dabaaldegaya doorashada qof iyo codka ah ee ka hirgashay deegaannada Hirshabeelle iyo guusha taariikhiga ah ee hoggaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha Cabdifataax Xasan Afrax ay ka gaareen doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabeelle.
Fannaaniin iyo Dhallinyaro caan ka ah baraha Bulshada ayaa qeyb ka ah dadka isku soo baxay fagaarayaasha Muqdisho, waxayna shacabka goobta yimid sheegeen in ay ku faraxsan yihiin howlaha muhiimka ah ee xukuumadda DanQaran dalka iyo dadka u hayso.











