Gudaha
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay mid kamid ah isimada dhaqanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed.
Kulanka oo uu ka qayb galay Wasiirka Arrinaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, doorka isimada dhaqanka ee nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyo kaalinta ay ku leeyihiin dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada iyo xasilloonida dalka.


La wadaag



