Wararka
Wasiirkii Hore Amniga Gudaha oo hambalyo u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Hirshabeelle

Wasiirkii Hore Amniga Gudaha XFS Mudane Abuukar Islow Ducaale ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha Cusub ee Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe kaas oo ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar.
"Waxaan hambalyo u dirayaa walaalkey marna saxiibkey Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, Waxaan uga Alle uga baryeynaa inuu u fududeeyo masuuliyadda iyo xilka culus ee mar labaad lagu aaminay 5-ta sano ee soo socota.
Hoggaanka cusub waxaan kula dardaarmayaa inay ku shaqeeyaan midnimo, una howlgalaan, sidii dib u heshiisiin dhab ah loo dhex dhigi lahaa Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan inta tabashada qabta". ayuu ku yiri mudane Islow Ducaale.
La wadaag



