Gudaha
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Cumaan

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Saldanadda Cumaan u soo magacawday Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri.
Wasiirku waxa uu soo dhoweeyay safiirka cusub, isaga oo u ballanqaaday in Wasaaraddu ay si buuxda uga taageeri doonto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaan ayaa safiirka ugu hambalyeeyay dib-u-furista safaaradda Saldanadda Cumaan ee Muqdisho, kaddib 36 sano oo ay xirnayd.
Wasiirku waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid si cad u muujinaysa kalsoonida xooggan ee Saldanadda Cumaan ay ku qabto Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu Dowladda Cumaan uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.





