Gudaha
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan oo Kuwait lagu soo dhoweeyey
Garsoore Cumar Cartan waxaa loo diiday inuu galo dalka Maraykanka, balse waxa uu soo dhoweyn ka helay meelo badan oo caalamka ka mid ah.

Kiwait city (SONNA): Ka dib Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Guddiga sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait Sheekh Axmed Yuusuf Al-Sabaax ayuu garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan maanta gaaray dalka Kuwait, si uu u dhex-dhexaadiyo ciyaarta u dhexeysa kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, taas oo dhici doonta 29-ka June, taas oo ah cayaarta u dambeysa horyaalka Zen Premier League.
Soo dhoweynta Cumar Cartan waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dowladda Kuwait Cabdullaahi Maxamed Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda, xoghayaha guud ee xiriirka, Dr. Saalix Majruub, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee xiriirka Dr. Sataam Al-Saaxli iyo wakiillo ka socday shirkadda maalgaliya horyaalka oo ay ka mid yihiin Cabdulmuxsin Al-Zabn iyo Axmed Al-Rozaan.











