Mqudisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka warbixiyay kulankii ugu horeeyay oo ay caawa isugu yimaadeen guddiga qaban qaabada usbuuca xoriyadda ee nagu soo aaddan.
Wasiirka ayaa sheegay in muhiimadda kulankan uu yahay diyaargaroowga maalmaha xorriyadda ee dalka.
” Caawa oo ay taariikhdu ku beegan tahay 7-da bisha lixaad ee 2026, waxaa halkan ka qabsoomay shirka guddiga qaban qaabada usbuuca xoriyadda ee nagu soo aaddan, halkan oo lagu kala qeybsaday waajibaadyo iyo shaqooyin lagu dhisay guddiyo hoosaad kala duwan oo heer wasiir ah,”.
Sidoo kale, Wasiir Cabdifataax ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u diyaargarowbaan xuska maalmaha xoriyadda ee 26-ka June oo ah goortii ay xoriyadda qaateen Gobollada Waqooyi iyo 1-da Luulyo oo ah xilligii ay Koonfurta xorroowday ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfurta.
” Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqeynaa in ay u diyaarowbaan u dabaaldega usbuuca xoriyadda oo ka bilaaban doonta 26-ka June ilaa 1-da Luulyo oo ah maalmo runtii aad iyo aad ugu weyn taariikhda iyo halganka shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, 26-ka goortii ay xoriyadda qaateen gobollada Waqooyi, 1-da luulyana waa xilliga ay xoriyadda qaadatay Koonfur ayna Midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur”.
Shacabka Soomaaliyeed waxaa ku soo wajahan maalmo taariikhi ah, halgan adag loo soo maray loona dhabar adeegay sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen neecowda xorriyadda iyo midnimada ummadeed.
