calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay dhaqangelinta xeer-nidaamiyaha nadaafadda

Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay dhaqangelinta xeer-nidaamiyaha nadaafadda
Duqa Muqdisho oo guddoomiyay shir looga hadlayay dhaqangelinta xeer-nidaamiyaha nadaafadda — SONNA

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa khamiista maanta ah guddoomiyay shir heer sare ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda Caasimadda Muqdisho, adkaynta dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda, Maaraynta Qashinka, iyo xal-u-helidda xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex nool magaalada.

Intii uu socday shirka waxaa si dheer loogu gorfeeyey caqabadaha nadaafadda caasimadda iyo sidii muddo kooban loogu gaari lahaa isbeddel muuqda oo kor loogu qaadayo bilicda Muqdisho, iyadoo la isku raacay in si adag loo dhaqan-geliyo Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka, lana dardargeliyo tallaabooyinka lagu xallinayo dhibaatada xoolaha ku dhex wareega magaalada.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa sheegay in dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka ay tahay waajib sharci ah iyo mas'uuliyad wada saaran dowladda, ganacsatada iyo bulshada.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in maamulka uusan u dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya nadaafadda, deegaanka iyo bilicda caasimadda, isla markaana si buuxda loo dhaqan-gelin doono xeerarka lagu ilaalinayo nadaafadda Magaalada Muqdisho, isagoo faray dhammaan hay'adaha ay khusayso inay si isku-duubni ah u fuliyaan go'aamada kasoo baxay shirka.

Shirka waxaa ka qaybgalay Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka ee Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Hawlaha Guud, Xoghayaha Guud, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka iyo Agaasimeyaal ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

La wadaag