Wararka
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA IMAAM MAXAMED YUUSUF CALI

SONNA- Muqdisho- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Imaamka haldoor qaran oo door muuqda ka soo qaatay geeddi-socodkii nabadeynta dalka, dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed iyo dadaalladii dib loogu yagleelay dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle SWT uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
La wadaag

