Wararka
Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo gurmad u fidisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Liibiya
Muqdisho-(SONNA)-Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa gurmad u fidisay muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyey dalka Liibiya, kuwaas oo muddo ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalkaas, isla markaana la kulmay dhibaatooyin kala duwan.
Muwaadiniinta la soo celiyey oo tiradoodu gaareyso ku dhawaad 130 ruux ayaa isugu jira dhallinyaro iyo waayeel, Markii ay soo gaareen Muqdisho, waxaa la geeyey xarunta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, halkaas oo looga sameeyey diiwaangelin iyo soo dhoweyn.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, Liibaan Cabdi oo la hadlay muwaadiniinta soo laabtay, ayaa sheegay in loo sameenayo baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah, diiwaangelinta Adeegga Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, isla markaana hay’addu ka taageeri doonto sidii ay ula midoobi lahaayeen ehelladooda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u ballanqaaday muwaadiniinta in hay’addu ka caawin doonto helitaanka fursado shaqo iyo waxbarasho, isaga oo xusay inay garab taagan tahay dib-u-dhiskooda nololeed iyo dib ula qabsiga bulshada.

