Maqaallada
Howlihii Xafiiska UNTMIS oo ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya (MAQAAL)
Howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta soo dhammaanaya.Howlgalka UNTMIS, oo Soomaaliya ka shaqaynayey in ka badan 30 sano, ayaa xirmay maanta oo ah 31-ka Oktoobar.

Howlgalkii siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dhammaan doona maanta oo ah Sabti, taasoo xireysa in ka badan seddex iyo toban sano oo howlgallo kala duwan oo QM ah oo loogu talagalay dib u dhiska waddan ay burburiyeen dagaallo sokeeye.
Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaanaya howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ay ka wadday Soomaaliya, kaas oo loo yaqaanay UNTMIS (United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia), kaddib markii la soo gabagabeeyay qorshihii labada sano ahaa ee loogu talagalay in mas'uuliyadihiisa lagu wareejiyo hay'adaha Soomaaliyeed iyo qeybaha kale ee Qaramada Midoobay.
Xiritaanka UNTMIS wuxuu soo afjarayaa in ka badan 30 sano oo ay Soomaaliya ka howlgaleen xafiisyo siyaasadeed oo Qaramada Midoobay leedahay, kuwaas oo door ku lahaa taageeridda nabad-dhiska, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Joogitaanka howlgalladaasi wuxuu billowday ๐ญ๐ต๐ต๐ฎ-kii, xilligii dagaalka sokeeye iyo macluusha. Waxaa xigay ๐จ๐ก๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐ถ๐๐ผ ๐๐, dabadeedna ๐จ๐ก๐ฃ๐ข๐ฆ oo shaqaynayey ๐ญ๐ต๐ต๐ฑ ๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ฏ-kii. ๐จ๐ก๐ฆ๐ข๐ ayaa la aasaasay ๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ฏ-kii, waxaana ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ-kii lagu beddelay ๐จ๐ก๐ง๐ ๐๐ฆ, oo loo xilsaaray wareejinta howlihii siyaasadeed ee UN-ka.
Sida uu ku bilowday Xafiiska UNTMIS, wuxuu shaqadiisa rasmiga ah bilaabay 1-dii November 2024-kii, isaga oo beddelay howlgalka UNSOM oo Soomaaliya ka howlgallayay tan iyo sannadkii 2013-kii.
Go'aanka lagu beddelay UNSOM waxaa gaaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo soo saaray Qaraarka tirsigiisu yahay 2753 (2024), waxaana qorshuhu ahaa in muddo laba sano ah lagu dhammeystiro wareejinta howlaha iyo mas'uuliyadaha howlgalka.
Mudadii uu howlgalka jiray, wuxuu taageero ka geysanayay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa sida la sheegay:-Taageeridda wada-hadallada siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, Dhiirrigelinta dib-u-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed, Taageeridda dib-u-eegista Dastuurka iyo geeddi-socodka doorashooyinka, Dhismaha hay'adaha dowladda iyo xoojinta nidaamka federaalka, Ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyo taageeridda hay'adaha cadaaladda iyo Isku-dubaridka taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Xiritaanka howlgalka wuxuu qeyb ka ahaa qorshe kala-guur ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ku heshiiyeen. Qorshahaas ayaa ahaa in mas'uuliyadaha UNTMIS si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyo hay'adaha dowladda Soomaaliya, hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay iyo xafiiska taageerada Saadka ee UNSOS.
27-kii Oktoobar 2026, magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu sagootinayay howlgalka, taas oo uu ka qeybgalay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo mas'uuliyiin kale. Mas'uulka ku-meel-gaarka ahaa ee howlgalka, Raisedon Zenenga, ayaa munaasabadda ka sheegay in wareejinta mas'uuliyadaha ay ahayd mid si wadajir ah ay u maamuleen dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
Xiritaanka xafiiska UNTMIS macnaheedu ma aha in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxday Soomaaliya. Hay'adaha Qaramada Midoobay sida UNICEF, WHO, UNDP iyo xafiiska UNSOS ayaa sii wadi doona howlaha ay dalka ka hayaan, iyagoo la shaqeynaya dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, taageerada Qaramada Midoobay ee dhinacyada bani'aadannimada, horumarinta, caafimaadka iyo amniga ayaa sii socon doonta.
Dhammaadka howlgalka wuxuu dowladda Soomaaliya hor dhigaya mas'uuliyad dheeraad ah oo ku saabsan hoggaaminta arrimaha siyaasadda, xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay'adaha dowliga ah.
Xiritaanka Xafiiskaasi ee UNTMIS wuxuu Soomaaliya u furayaa marxalad cusub oo ku saabsan xiriirka ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo mas'uuliyado badan oo siyaasadeed iyo kuwo dowlad-dhisid ah lagu wareejinayo hay'adaha Soomaaliyeed.
Soomaaliya waxaa maanta u baryay waa cusub oo Sharaf u ah Dowladnimada JFS.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobeey oo soo saaray qoraal, ayaa sheegay in UNTMIS uu 31-ka Oktoobar soo afjarayo howlgalladiisa, kaddib laba sano oo uu socday qorshaha kala-guurka, wuxuuna bogaadiyay horumarka Soomaaliya ay samaysay, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarka, iyadoo u maraysa hay'adaheeda Soomaaliya, islamarkaana waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada Soomaaliya, si loo xoojiyo hayโadaha dowladda, dib-u-heshiisiinta iyo kala-guurka amni ee dalka.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2024-kii dalbatay in la xiro xafiiskaan, kaasi oo laba sano ee la soo dhaafay ahaa mid ku shaqeeya magaalada Muqisho. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu xiray Xafiiskoodii UNTIMIS ee ka shaqeyn jiray howlaha dowlad-dhiska iyo kobcinta Maamul wanaaga. Antรณnio Guterres ayaa xusay in howlaha Xafiiskaasi ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya, isla markaasna ay garab taagan yihiin.
Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaaliyeed, Soomaalina waa kuwa maamula dalkooda. Alxamdulillah.



