Wararka
Dowladda Soomaaliya oo ugu baaqday shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda.

Xayeysiis
SONNA-Muqdisho-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isagoo xusay in ilaalinta amniga qaranku aysan ahayn waajibaad saaran xukuumadda oo keliya, isla markaana aan loo adeegsan karin loolan siyaasadeed.
Mudane Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in amniga qaranku uu ka dhigan yahay jiritaanka hal awood dastuuri ah oo maamusha dhulka, dekadaha, hawada iyo ciidamada qalabka sida, isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in dhulkeeda, dekadaheeda ama hawadeeda loo adeegsado hurinta colaadaha Yemen, Suudaan ama dal kale. Wuxuu xusay in la joojinayo ka ganacsiga sharci-darrada ah ee kheyraadka dalka sida dahabka iyo macdanta, iyo isticmaalka aan fasaxa haysan ee dekadda Berbera oo loo adeegsaday tahriibinta xubno maleeshiyaad ah.
La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa dib u xaqiijiyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana la diidayo isku day kasta oo lagu dhaawacayo midnimada dhuleed ee dalka ama lagu kala qaybinayo Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, taas oo uu ku tilmaamay dagaal wakiilnimo ah oo ka dhan ah hay’adaha sharciga ah.
Gunaanadkii, iyadoo la cuskanayo sharciga dalka iyo kan caalamiga ah, kaddib markii ay sii socdeen faragelinta iyo xadgudubyada ka dambeeyay baabi’intii heshiisyadii dekadaha, amniga iyo difaaca 12-kii Jannaayo 2026, Golaha Wasiirrada ayaa go’aansaday in dib loogu yeero Safiirka Soomaaliya u fadhiya Abu Dhabi, isla markaana la amray Safiirka Imaaraadka Carabta inuu isaga baxo gudaha Soomaaliya.


