Wararka
La-taliyaha Amniga Qaranka oo shaaciyay khataraha ka dhanka ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Xayeysiis
Muqdisho-SONNA-La-taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin lagu difaacayo amniga qaranka, kaddib markii la xaqiijiyay in siyaasadaha Imaaraadka Carabta ay khatar ku yihiin midnimada iyo xasilloonida dalka.
Mudane Aweys Xaaji Yuusuf ayaa tilmaamay in inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogsoon yahay taageeradii hore ee Imaaraadka, haddana amniga qaranku uu ka sarreeyo wax kasta, loona baahan yahay dowlad mideysan oo awood u leh ka adkaanshaha Al-Shabaab. Wuxuu xusay in heshiisyada dekadaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ee aan soo marin dowladda dhexe, dhismaha saldhigyo militari iyo ciidamo ka baxsan taliska qaranka, iyo taageerada lagu kala qaybinayo Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay wiiqayaan awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana abuurayaan nuglaansho amni.
Sidoo kale, La-taliyaha ayaa sheegay in diidmada Imaaraadka ee ku biirista bayaannadii Carabta iyo Islaamka ee lagu cambaareeyay aqoonsi ku-sheegga Israa’iil ee maamulka waqooyi ay tahay xadgudub ka dhan ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya, maadaama Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka. Wuxuu intaas ku daray in dhoofinta sharci-darrada ah ee dahabka iyo macdanta dalka, iyo adeegsiga dekadda Berbera bishii Jannaayo 2026 si loogu gudbiyo hoggaamiye maleeshiyo oo ka soo baxsaday Yemen, ay muujinayaan in dhulka Soomaaliya loo adeegsaday marin sharci-darro ah oo lagu hurinayo colaadaha Yemen iyo Suudaan.
Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay ku difaaci doonto madax-bannaanideeda waddo kasta oo waafaqsan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah, iyadoo shacabka loogu baaqay inay u midoobaan ilaalinta qarannimadooda. Tallaabooyinkan ayaa soo afjaraya toban bilood oo xadgudubyo ah kaddib baabi’intii heshiisyadii Imaaraadka 12-kii Jannaayo 2026, waxayna keeneen in Golaha Wasiirradu ay maanta go’aansadaan in dib loogu yeero Safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi, isla markaana la faro Safiirka Imaaraadka Carabta inuu dalka ka baxo.


