Wararka
Aljeeriya oo Dib u Xaqiijisay Taageerada Madaxbannaanida, Midnimada iyo Xasilloonida Soomaaliya
Xayeysiis
Muqdisho (SONNA) – Aljeeriya ayaa ku celisay taageeradeeda ay u heyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xaqiijisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu dhisayo hay'adaha dowliga ah iyo xoojinta amniga iyo nabadda dalka oo dhan.
Hadaladaan ayaa yimid intii lagu jiray wadahadallo ka dhacay Magaalada Oslo ee Dalka Norway, kuwaas oo dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, gaar ahaan Arrimaha Afrika, Mudane Axmed Attaf, iyagoo ka qaybgalaya shirka 23-aad ee wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Afrika iyo Waqooyiga Yurub.
Kulanka waxaa looga hadlay is-weydaarsiga aragtiyaha ku saabsan horumarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika iyo sidoo kale xiriirka labada dhinac iyo siyaabaha lagu xoojin karo iyada oo loo marayo isku-dubaridka, wadatashiga, iyo u diyaargarowga dhacdooyinka labada dhinac ee soo socda.
Aljeeriya waxay mar kale ku adkeysatay sida ay uga go’an tahay taageeridda midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya.


