Maqaallada
SOMALI HERO AWARDS 2026: OO LAGU MAAMUUSO HALYEEYADA SOOMAALIYEED IYO GUULAHA AY KA GAAREEN CAALAMKA OO MENISOTA LAGU QABTAY

MINNESOTA, (SONNA)- In ka badan 600 oo marti-sharaf ah ayaa 14-kii Nofeembar 2026 isugu yimid gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, munaasabadda sannadlaha ah ee labaad ee Somali Hero Awards 2026 taas oo lagu maamuusayay, laguna aqoonsanayay shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee kaalin muuqata ka qaatay horumarinta bulshadooda, hoggaaminta, adeegga bulshada iyo guulaha ay ka gaareen heer calami ayaa lagu qabtay Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka.
Xafladda waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin dowladeed, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, ganacsato, hal-abuurayaal, samafalayaal, hoggaamiyeyaal bulsho, wakiillo dhaqameed iyo xubno ka tirsan qurba-joogta Soomaaliyeed, oo ka kala yimid dalalka Yurub, Afrika, Australia, Canada iyo dhammaan 50-ka gobol ee Mareykanka, taas oo muujisay baaxadda iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida.
Somali Hero Awards oo sanadkan qabatay munaasabaddii labaad tan iyo markii la aasaasay, ayaa ah barnaamij caalami ah oo loogu talagalay in lagu aqoonsado laguna maamuuso Soomaalida waxqabadka muuqda ka sameeyay horumarinta bulshadooda, dalkooda hooyo iyo waddamada ay ku nool yihiin, waxaana Hindisahan aasaasay guddi ka kooban aqoonyahanno, dhallinyaro xirfadlayaal ah, hoggaamiyeyaal bulsho iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaas oo mideeyay aragti ah in la dhiirrigeliyo kartida, hal-abuurka iyo waxqabadka wanaagsan ee Soomaalida.
Munaasabadda 2026 waxaa soo qabanqaabiyay, martigeliyayna Somali Diaspora Center, oo xarumo iyo hawlo ku leh gobollada Ohio iyo Minnesota ee Mareykanka, Somali Hero Awards kuma koobna oo keliya in la aqoonsado guulaha shaqsiyadeed, balse waxay si gaar ah u qiimeysaa dadka aqoontooda, awooddooda, hantidooda iyo xirfadahooda u adeegsada wax ka beddelka nolosha dadka kale iyo horumarinta bulshada.
Ujeeddooyinka barnaamijka waxaa ka mid ah dhiirrigelinta hoggaaminta wanaagsan, waxbarashada, ganacsiga, adeegga bani'aadannimo, ilaalinta dhaqanka, hal-abuurka iyo sumcadda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed ee caalamka.
SHAQSIYAADKA LAGU MAAMUUSAY SOMALI HERO AWARDS 2026
Munaasabadda sanadkan waxaa lagu aqoonsaday shaqsiyaad Soomaaliyeed oo ku suntan waxqabadyo kala duwan, kuwaas oo isugu jira hoggaamiyeyaal dowladeed, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, dhakhaatiir, ganacsato, samafalayaal iyo horumariyeyaal bulsho.
1. RA'IISUL WASAARE XAMZA CABDI BARRE – ABAALMARINTA HOGGAAMINTA TAARIIKHIGA AH IYO MAAMUL-WANAAGGA QARANKA
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu maamuusay hoggaamintiisa siyaasadeed iyo dhammaystirka muddo xileed buuxa oo uu xilka hayay, isaga oo sidoo kale xiriir wada-shaqeyn iyo iskaashi la lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Abaalmarintan ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida siyaasadeed, joogtaynta hay'adaha dowladda iyo wada-shaqeynta madaxda qaranka ee lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.
Abaalmarinta waxaa wakiil uga guddoontay Aamina Deble, oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ganacsiga.
2. MAXAMED CABDI AFFEY – ABAALMARINTA DIBLOMAASIYADDA IYO DHISMAHA DOWLADNIMADA
Maxamed Cabdi Affey ayaa lagu aqoonsaday doorkii uu ka qaatay geeddi-socodka dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada uu u fidiyay horumarinta hay'adaha qaranka.
Waxyaabihii lagu xusay waxaa ka mid ahaa dadaalladii uu ku taageeray in hawlaha iyo xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya laga soo raro magaalada Nairobi ee Kenya, loona soo wareejiyo magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo joogitaanka hay'adaha qaranka gudaha dalka.
3. BARAASOOR ABDI KUSOW – ABAALMARINTA HEERKA CAALAMIGA AH EE AQOONTA IYO CILMI-BAARISTA
Bare-sare Abdi Kusow ayaa lagu maamuusay guulihiisa aqooneed iyo kaalinta uu ka qaatay horumarinta cilmi-baarista iyo aqoonta heer caalami.
Daraasadaha iyo shaqooyinkiisa cilmiyeed ayaa gacan ka geystay in dunidu si weyn u barato bulshada Soomaaliyeed, aqoonsigeeda, taariikhdeeda bulsheed iyo waayo-aragnimada qurba-joogta Soomaaliyeed.
4. GARSOORE MAHAMUD ELMI – ABAALMARINTA HOGGAAMINTA GARSOORKA IYO GUUL TAARIIKHI AH
Garsoore Mahamud Elmi ayaa lagu aqoonsaday guulihiisa hormuudnimo ee mihnadda garsoorka iyo matalaadda bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika.
Abaalmarintan ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in Soomaalidu ka muuqato, kanaalin hoggaamineed ku yeelato hay'adaha garsoorka iyo sharciga ee caalamka.
5. MAXAMED CABDI RAAGE – ABAALMARINTA DIBLOMAASIYADDA CAALAMIGA AH IYO ISKAASHIGA SOOMAALIYA IYO TURKIGA
Maxamed Cabdi Raage ayaa lagu maamuusay kaalinta uu ka qaatay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Waxqabadkiisa waxaa lagu xusay taageerada uu ka geystay iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta iyo wada-shaqeynta la xiriirta waaxda tamarta iyo sahminta khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
6. RAMLA ALI – ABAALMARINTA UGU SARREYSA EE SOMALI HERO AWARDS 2026
Dhacdooyinkii ugu xusuusta badnaa ee munaasabadda ayaa ahayd markii abaalmarinta ugu sarreysa ee Somali Hero Awards 2026 la guddoonsiiyay Ramla Ali, oo ah feeryahanad Soomaaliyeed oo caan ka ah fagaarayaasha ciyaaraha caalamiga ah.
Ramla Ali ayaa lagu maamuusay guulaheeda ciyaareed, taariikhda ay ka sameysay feerka, geesinimadeeda, adkeysigeeda iyo dadaalka ay ugu jirto dhiirrigelinta jiilka cusub.
Waxay astaan u tahay adkaysiga, hamiga iyo muuqaalka sii kordhaya ee haweenka Soomaaliyeed ee ka dhex muuqda tartamada iyo ciyaaraha heer caalami.
Abaalmarintan ayaa sidoo kale muujisay sida ciyaaruhu u noqon karaan aalad lagu jebiyo caqabadaha, lagu beddelo aragtiyaha bulshada, laguna dhiirrigeliyo dhallinyarada dunida oo dhan.
7. FARDOWSA YUSUF – ABAALMARINTA ILAALINTA DHAQANKA IYO DHAXALKA SOOMAALIYEED
Fardowsa Yusuf ayaa lagu aqoonsaday dadaalladeeda ku aaddan ilaalinta hiddaha, dhaqanka, suugaanta iyo aqoonsiga Soomaaliyeed, iyadoo adeegsanaysa xarunta Aw-Jaamac Center.
Abaalmarintu waxay xustay doorka xaruntu ku leedahay dhowrista aqoonta dhaqanka Soomaaliyeed iyo sidii jiilasha soo koraya loogu gudbin lahaa hiddaha iyo taariikhda ummadda.
8. DR. ABDIRASHID SHIRE – ABAALMARINTA HAL-ABUURKA CAAFIMAADKA IYO HORUMARINTA CILMIGA CAAFIMAADKA
Dr. Abdirashid Shire ayaa lagu maamuusay kaalintiisa hormuudnimo ee keenista iyo horumarinta adeegyada baaritaanka hidde-sideyaasha (DNA Genetic Testing) iyo baaritaannada casriga ah ee la xiriira cilmiga hidde-sideyaasha gudaha Soomaaliya.
Aqoonsigan ayaa muujinaya muhiimadda hal-abuurka caafimaadka, horumarinta sayniska iyo helitaanka adeegyada caafimaad ee casriga ah.
9. ENG. SHAAFI AHMED MO'ALIN – ABAALMARINTA HORUMARINTA MAGAALOOYINKA IYO HOGGAAMINTA DEGMADAHA
Duqa magaalada Jigjiga, Injineer Shaafi Ahmed Mo'alin, ayaa lagu aqoonsaday dadaalladiisa ku aaddan horumarinta, casriyeynta iyo bilicda magaalada Jigjiga, oo ah xarunta Dowlad-Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Abaalmarintu waxay muujisay doorka hoggaaminta heer deegaan iyo dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalooyinka iyo muuqaalka guud ee deegaanka.
10. MUDANE ABDULKADIR GEEDI – ABAALMARINTA ADEEGGA DADWEYNAHA IYO HORUMARINTA BULSHADA
Duqa magaalada Garoowe, Mudane Abdulkadir Geedi, ayaa lagu maamuusay dadaalladiisa adeegga dadweynaha iyo waxqabadka uu ka geystay horumarinta nolosha bulshada deegaanka.
Abaalmarintu waxay aqoonsatay dadaallada lagu fududeynayo helitaanka adeegyada dowladda iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka degmada iyo shacabka.
11. DEEQA NUR SHABEEL – ABAALMARINTA TAAGEERADA BULSHADA IYO HAL-ABUURKA BULSHEED
Deeqa Nur Shabeel ayaa lagu aqoonsaday kaalinta ay ka qaadato taageerada bulshada iyo hindisayaasha samafalka, iyada oo loo marayo hay'adda aan macaash doonka ahayn ee Hooyo Innovation Hub, oo sidoo kale loo yaqaan Hooyo iHub, kuna taalla magaalada Toronto ee dalka Canada.
Abaalmarintu waxay xustay dadaallada lagu taageerayo bulshada, awood-siinta dadka iyo horumarinta adeegyada bulsheed iyadoo la adeegsanayo hal-abuur iyo fikrado cusub.
12. FAIZA HASSAN – ABAALMARINTA ADEEGGA SAMAFALKA EE QURBA-JOOGTA SOOMAALIYEED
Faiza Hassan ayaa lagu maamuusay shaqada ay u hayso Soomaalida qurba-joogta ah ee dib ugu soo laabanaya Soomaaliya, gaar ahaan dadka la masaafuriyo ama duruufo kale ku qasbaan inay dalkooda ku soo laabtaan.
Iyadoo ah Agaasimaha Somali Diaspora Support, waxay door muhiim ah ka qaadatay caawinta dadka dib u soo laabanaya, si ay ula qabsadaan duruufaha cusub, dibna ugu dhistaan noloshooda gudaha dalkooda hooyo.
Abaalmarintan waxay muujisay muhiimadda naxariista, dib-u-dhexgelinta bulshada iyo garab istaagga dadka nugul.
13. KHALED OMAR – ABAALMARINTA U QAREEMIDDA BULSHADA IYO ISGARAB-ISTAAGGA
Khaled Omar ayaa lagu aqoonsaday dadaalladiisa u qareemidda iyo taageerada uu siiyo Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, gaar ahaan xilliyada ay la kulmaan duruufo adag oo la xiriira arrimaha socdaalka.
Dadaalladiisa u qareemidda bulshada, ka-qaybgalka iyo garab istaagga dadka ay saameeyeen xaaladaha socdaalka ayaa muujiyay muhiimadda midnimada iyo taageerada bulshada.
14. ABDIRIZAK OMER BILLE – ABAALMARINTA GANACSIGA IYO HAL-ABUURKA SOOMAALI ICON
Abdirizak Omer Bille, oo ah aasaasaha ahna madaxa fulinta shirkadda Bille Bus Transportation, ayaa lagu maamuusay guulihiisa ganacsi iyo kaalinta uu ka qaatay kobcinta dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka.
Shirkaddiisa ayaa la sheegay inay shaqaaleysiisay ku dhowaad 650 qof, taas oo abuurtay fursado shaqo oo muhiim ah, isla markaana muujisay sida ganacsiyada ay Soomaalidu leeyihiin ay uga qeyb qaadan karaan koboca dhaqaalaha Mareykanka.
Taariikhdiisa ganacsi waxay tusaale u tahay hal-abuurka, shaqo-abuurka, hoggaaminta ganacsiga iyo awood-siinta bulshada.
15. ABAALMARINTA QALBIGA DAHABKA AH (HEART OF GOLD AWARD) – AQOONSIGA ADEEGGA BANI'AADANNIMO
Abaalmarin gaar ah oo lagu maamuusayo adeegga bani'aadannimo ayaa la guddoonsiiyay Senator Simon Trautmann, Ethan Miller iyo Saciido Shaie.
Shaqsiyaadkan ayaa lagu aqoonsaday booqasho bani'aadannimo oo ay ku tageen Soomaaliya xilli ay dalka ka jireen xaalado adag oo abaar ah, kuwaas oo saameyn xooggan ku yeeshay bulshada nugul.
Dadaalladooda ku aaddan gaarsiinta gargaarka iyo taageerada dadka u baahan ayaa mudan aqoonsiga iyo bogaadinta Somali Hero Awards.
Abaalmarinta Heart of Gold waxay astaan u tahay naxariista, bani'aadannimada, iskaashiga caalamiga ah iyo mabda'a ah in garab istaagga dadka dhibaataysan uusan ku xirnayn dhalasho, jinsiyad ama asal.
16. MOHAMED HANAD – ABAALMARINTA HOGGAAMINTA ISBEDDELKA BEERAHA IYO HAL-ABUURKA
Mohamed Hanad, oo ah ganacsade Soomaaliyeed-Kenyan ah oo caan ku ah horumarinta beeraha iyo xoolaha, ayaa lagu aqoonsaday guulihiisa hormuudnimo ee dhinaca ganacsiga beeraha iyo xanaanada xoolaha.
Wuxuu ka mid yahay shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee ka dhex muuqday ganacsiga beeraha, waxaana lagu xusay inuu ka mid yahay Soomaalidii ugu horreysay ee Kenya ku yeelata, maamusha beero-xoolaad waaweyn (Ranch).
Isagoo munaasabadda ka qeybgalay marti-sharaf gaar ah, waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Agricultural Transformation and Innovation Champion Award, taas oo lagu aqoonsaday kaalintiisa horumarinta ganacsiga beeraha iyo dhiirrigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
KHUBADO IYO FARIIIMO KU SAABSAN MUHIIMADDA AQOONSIGA HALYEYDA SOOMAALIYEED
Munaasabadda waxaa sidoo kale khudbado qiimo leh ka jeediyay hoggaanka Somali Hero Awards, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado dadka waqtigooda, aqoontooda iyo dadaalkooda u hura horumarinta bulshada.
ALI GAASHAAN – MADAXWEYNAHA SOMALI HERO AWARDS
Ali Gaashaan, Madaxweynaha Somali Hero Awards, ayaa khudbad xambaarsan dareen iyo dhiirrigelin ka jeediyay munaasabadda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in abaalmarinnadani aysan ahayn oo keliya xaflad lagu xusayo guulaha shaqsiyaadka, balse ay yihiin madal lagu aqoonsanayo dadka dadaalkooda, naf-hurnimadooda, hoggaamintooda iyo adeeggooda bulsho mararka qaarkood aan helin aqoonsigii ay mudnaayeen.
Fariintiisu waxay ku baaqday midnimo, is-ixtiraam iyo in la qadariyo waxqabadka wanaagsan ee Soomaalidu ka sameyso gudaha iyo dibadda dalka.
HASSAN MUSTAFA ISAK – AASAASAHA IYO AGAASIMAHA FULINTA SOMALI HERO AWARDS
Hassan Mustafa Isak, oo ah aasaasaha iyo Agaasimaha Fulinta Somali Hero Awards, ayaa sharaxaad ka bixiyay himilada iyo ujeeddada laga lahaa aasaaska madashan caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in hindisahan loo sameeyay sidii loo heli lahaa madal joogto ah oo lagu aqoonsado laguna maamuuso shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee wax ku oolka ah, kuwaas oo bulshada u qabta adeeg iyo waxqabad muuqda.
Wuxuu tilmaamay in Somali Hero Awards ay leedahay dhowr ujeeddo oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- In la aqoonsado Soomaalida waxqabadka muuqda ka geysta horumarinta iyo wanaagga bulshadooda.
- In la maamuuso shaqsiyaadka tusaalaha wanaagsan u ah dhallinyarada Soomaaliyeed.
- In la dhiirrigeliyo heer-sareynta waxbarashada, ganacsiga, sayniska, caafimaadka, adeegga dadweynaha iyo hal-abuurka.
- In la aqoonsado Soomaalida saameynta wanaagsan ku leh bulshooyinka iyo waddamada ay ku nool yihiin.
- In dhallinyarada lagu dhiirrigeliyo hoggaaminta, hal-abuurka, waxbarashada iyo adeegga bulshada.
- In la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta Soomaalida ku kala nool waddamada iyo jiilasha kala duwan.
- In la ilaaliyo aqoonsiga, dhaqanka, hiddaha iyo taariikhda Soomaaliyeed.
- In la dhiso xiriirro xooggan oo u dhexeeya bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah.
Hassan Mustafa Isak ayaa sidoo kale xusay in abaalmarinnada la bixin doono sannad kasta, iyadoo himilada fog ay tahay in Somali Hero Awards ay noqoto hay'ad caalami ah oo sumcad ku leh aqoonsiga iyo maamuusidda guulaha Soomaalida.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga aan lagu koobin oo keliya shaqsiyaadka caanka ah ama dadka hantida leh, balse sidoo kale la maamuuso dadka caadiga ah ee sameeya waxqabad aan caadi ahayn, kuwaas oo nolosha dadka kale wax weyn ka beddela.























