calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ciidanka Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan

Ciidanka Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan
Ciidanka Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo ka geystay dhowr deegaan — SONNA

Xayeysiis

Muqdisho: Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday inay duqeymo cirka ah la sameysay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyagoo bartilmaameedsanaya goobaha ay joogaan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab intii u dhaxaysay 13 , 15 iyo 17-kii bishaan.

Dowladdu waxay sharraxday in duqeymahaan lagu bartilmaameedsaday goobo u dhow Leego,gaar ahaan waqooyi-galbeed,Yura Lafagari oo dhacda galbeedka Jilib iyo Jamaama waqooyi-bari ee Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay sii socoshada iskaashiga milatari ee u dhexeeya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo AFRICOM ,si loo baacsado Al-Shabaab, iyadoo xustay in kooxdu ay khatar ku tahay amniga Soomaaliya, Mareykanka, iyo xasilloonida gobolka.

Duqeyntaan cirka ah waxay qayb ka yihiin ololaha milatari ee ay dowladda Soomaaliya bilowday 2022-kii , iyadoo taageero ka heleysa Mareykanka iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah.

Hawlgalladii ugu dambeeyay ayaa la sheegay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale oo ku dhuumaaleysanaayey dhulka howdka ah ee dhaca Sh/Hoose iyo Jubbooyinka.

Illaa hadda ma jiraan wax khasaaro ah oo soo gaaray dad rayid ah, mudadii ay socdeen howlgalladaasi lagu baacsasnaayey kooxaha nabad-diidka ah.

La wadaag