Maqaallada
‘Abuu Lacag laga soo qaato laguma waxyeeleyn karo Soomaaliya’ (WARBIXIN)
Cabashada Soomaaliya waxay si gaar ah ugu saabsan tahay siyaasadaha Dowladda Imaaraadka Carabta, mana ahan xiriir saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka.

Xayeysiis
War-saxaafadeed shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay walaac xooggan ka muujinayso faragelinta joogtada ah ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku hayso arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.
Faragelintaasi ayaa lagu sheegay inay wiiqayso madax bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo laga duulayo khudbaddii Qaran ee uu maalintii Talaadada aheyd jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Dowladda Soomaaliya ayaa adkaynaysa mowqifkeeda ku aaddan diidmada faragelin kasta oo shisheeye ama heshiisyo amni oo barbar socda nidaamka Qaranka, kuwaas oo hareer maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah hay’adda keliya ee awoodda u leh xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.
Soomaaliya waxay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu baaqaysaa in dhammaan xiriirrada ay la leedahay Soomaaliya ay si toos ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo shuruucda caalamiga ah.
Cabashada Soomaaliya waxay si gaar ah ugu saabsan tahay siyaasadaha Dowladda Imaaraadka Carabta, mana ahan xiriir saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka.
War saxaafadeed ayaa lagu yiri: “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka u ah ilaalinta madax bannaanideeda, wadajirka dhuleed iyo midnimada Qarankeeda”.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Xisbiyada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan taageerada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan ku tiirsanaanta kaalmooyinka shisheeye ee wata aragtiyada aan waafaqsanayn danaha Qaranka, wuxuuna intaa raaciyay in Abuu Lacag laga soo qaato laguma waxyeeleyn karo midnimada iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliya, wuxuuna hadaladaasi kulul ka sheegay munaasabad la furaayay Waddo dhererkeedu dhan yahay 7 KM.
Maamulka Imaaraadku sidiisaba waxa uu isticmaalaa "warqadda kala qeybsanaanta" si ay ugu cadaadiyaan dowladda federaalka, balse Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa arrintaasi Ganafka ku dhuftay, islamarkaana si kulul uga hadlay, isagoo caddeeyay in kala qeybinta dhulka Soomaaliyeed ay ku suurtagaleyn shaqsiyaad lacag lagu siiyo arrintaasi.
Cali Balad ayaa ka jawaabay Qarqash: Heshiisyada dekedaha iyo qorshayaasha amniga ee ka baxsan awoodda Muqdisho waxay sii yareynayaan kala qaybsanaanta Soomaaliya. Balad ayaa qoraal ku sheegay madal 'X' in heshiisyada la xiriira dekedaha istiraatiijiga ah, oo ay ku jiraan Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo, iyo sidoo kale habeynta amniga iyo taageerada siyaasadeed ee ka baxsan dowladda federaalka, ay xoojinayaan midnimada Qaran, waxayna kordhiyaan joogitaanka maamulada kale.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soonaaliya, wuxuu intaa ku daray in la macaamilka hey'adaha goboleedyada ee ka baxsan awoodda dowladda dhexe aysan ka qeyb qaadan xoojinta Soomaaliya, balse ay sababto kala qeybsanaan qoto dheer ah, isagoo Carabka ku adkeeyay in danaha Qaranku ay u baahan yihiin in la ixtiraamo awoodda dowladda federaalka ee maareynta arrimaha dalka iyo heshiisyada istiraatiijiyadeed.
Hadallada Cali Balcad waxa uu yimid, iyada oo ay sii kordhayeen wadahadal siyaasadeed iyo diplomasiyadeed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii Qarqash uu dhaliilay mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan UAE, iyo jawaabihii siyaasadeed ee ka soo baxay taas, oo ku saabsan nooca xiriirka labada geesood iyo heshiisyadii lala galay maamulada goboleedka.
Xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanaya, iyadoo ay jiraan eedeymo ka yimid dowladda federaalka ah oo sheegaya in Abu Dhabi ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha dalka, isla markaana ay diidan tahay wax kasta oo amni ama heshiisyo ka baxsan hay’adaha dhexe ee dowladda.
Wasiirka difaaca JFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa jawaab kulul siiyay Anwar Gargash, wuxuuna yiri, “Anwar Gargash, sida qaabka daran ee aad u fakareyso ayaa ku dhiirigaliyay wadankaaga yar in aad dagaal uun wadaan, ee aad laaluush bixisaan oo aad ku xadgudubtaan qadiyad dad leeyihiin. Bal soo baro taariiqda Umadda Soomaaliyeed. Lacagtiina meelna ma gaari doonto, midnimadeena waxba uma dhimi karto. Jooji ka manaaficida dadka Masaakiinta ah dhiigooda”.
Wasiirku waxa uu kaluu Bartiisa Bulshada ku yiri”- “ Waa dowlad dhibka iyo burburka ummadaha kale gaaraya macaash iyo magac ku raadinaysa, hantideeda ka dhigtay mid loo adeegsado xasuuq, qaxin dad muslimiin ah iyo burburinta Dowladaha kula jira Jaamacadda Carabta. Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waa ku mahadsan yahay maantay inuu caddeeyey mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan Dawladda sharta, umadda Soomaaliyeedna ay ogaato shirqoolka dadnimadooda iyo Dawladnimadooda lagu beegsanayo ee imaaraadku wado”.
Madaxwayne Xasan Sheikh Mohamudka ayaa noqday Madaxwaynihii ugu dambeeyay ee African ah oo cambaareen u soo jeediya Dowlada Isutaga Imaaraattka (17/11/26).
Madaxwaynihii ka horeeyay isaga ee sidan oo kale cambaareen ugu soo jeediya wuxuu ahaa Madaxwayne C/Fitaah Al BurhanKa dalka Sudan. Sidoo kale , Bishii September, isla sanadkan Waziirka arimaha dibada dalka Eritrea Mr Osman Salax ayaa Cambaareen u soo jeediyay dowlada Imaaraattka. Madaxda dalalka Somalia iyo Sudan ayaa cambaareen mataano ah oo isku eg, ama isku dhandhan ah u soo jeediyay Imaaraattka midaas oo ah Faragelin arrimaha gudaha dalalkaas, taasoo dhaawacaysa madaxbanaanida Qaranimo dalalkaas.
Baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa arrinta ka dhex aloosantay Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta. Haddaba maxaa ka dhex dhacay? Sucuudiyiintu waxay si weyn ugu maadaysanayaan hadalkii sarkaal Imaaraati ah ee ahaa: “Xasan Sheekh ayaan kirada ka bixin jirnay.” Mid ka mid ah dadka falcelinta ka bixiyay ayaa ku jawaabay: “Waxaad la mid tihiin haweeney kirada laga bixin jiray, balse markii dambe la furay!”
Qof kale ayaa isna yiri: “Haddii aan diido in la i maamulo, ma waxay ka dhigan tahay inaan ahay qof aan abaalka aqoon?! Dal ma aha Guri kiro ah oo Alaab lagu diyaarsaday, madax-bannaaniduna ma aha heshiis kiro oo marka la doono la cusboonaysiin karo. Kaalmad aad bixisay kuma iibsan kartid go’aanka, sharafta iyo xorriyadda Ummad dhan.
Waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna, balse madax-bannaanida Qaranku ma aha wax la kala iibsado!”
Mid kale ayaa isna si kulul u yiri: “Taageero aad dal siiso kuma siinayso xaq aad ku kala qeybiso, kuna maalgeliso maamullo iyo Maleeshiyaad gooni-u-goosad ah oo ka dhex jira dalkaas. Taasna waxaan leenahay haddii aanba rumaysanno in taageeradaas aad sheeganayso ay dhab ahaan jirtay!”, Waxaase arrinta ugu yaabka badan ah in Sucuudiyiintu aysan hadalkaas ku koobnayn inay ku qoslaan, balse ay xitaa u gurmadeen qof kasta oo wax ka qoraya, iyagoo mid mid u karbaashaya doodda Imaaraatiga, waxayna u muuqataa in hadalkii ahaa “kirada ayaan bixin jirnay” uu noqday kaftan siyaasadeed oo Albaabada u furay jawaabo ka kulul hadalkii laftiisa!.

Barta ( X ) waxba la iskuma reeban:-
1. Qofka koowaad (ناشط مستقل احمد الحميري - Axmed Al-Xumeyri):
"Waqtigii waa uu la yimid in la fahmo Abu Dhabi inaysan dalalku ahayn fagaare furan oo loo maamulo saameyn, mana aha khariidado la googooyo iyadoo la eegayo danaha, mana aha shucuub lacag lagu iibsan karo daacadnimadooda.
Waxa ka socda Soomaaliya iyo waxa ay dowladdeedu ka keento eedeymo ku saabsan saldhigyada Milateri, heshiisyada barbar socda, iyo taageerada xoogag ka baxsan awoodda dowladda, waxay dhalineysaa su'aal halis ah..."
2. Qofka labaad (أنيس منصور - Anis Mansuur):
"Alle ha kuu naxariistee, faallooyinkaagii waxay ahaayeen kuwo heer sare ah oo ka awood badan hadalkayga, waad ku aaddantay oo waad saxnaatay."
3. Qofka saddexaad (Abu:Faisal): "Imaaraadku wuxuu boobay hantidiisii, wuxuu gaajaysiiyay shacabkiisa, wuxuu ruxay dhaqaalihiisii, dalxiiskiisiina wuu digay sabab la xiriirta falalka shaydaanka Carabta. Wuxuu noqday dowladdii khamriga, dal ay dhammaan dalalku durugsan yihiin oo ay ka cararayaan, wuxuuna isku dayayaa inuu iibsado damiirka Trump, waana la kashifay markii uu soo bandhigay senatarkii Maraykanka ee musuqmaasuqa ku lug lahaa, isagoo keenay fadeexadda Abu Dhabi ee Aqalka Cad."



