Wararka
Wasiirka Shaqada XFS oo kulan la qaatay wasiirka tababarka iyo waxbarashada Algeria

Xayeysiis
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro ayaa kulan gaar ah la yeeshay Marwo Nassima Arhab oo ah Wasiirka Tababarka iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee Jamhuuriyadda Dalka Algeria.
Kulanka ayaa dhacay xilli dalkaasi uu ka socdo kulan ku saabsan Madasha Siyaasadaha Afrika ee Xirfadaha (African Skills Policy Forum),kaas oo ay ka qeybgalayaan wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsa dalalka Afrika.
Labada dhinac ayaa kulankasi diiradda ku saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xirfadaha farsamada gacanta, tayeynta tababarrada xirfadeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo kobcinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada.
Sidoo kale labada wasiir ayaa ka wada hadlay muhiimadda horumarinta xirfadaha iyo tayada shaqaalaha, si tababarrada xirfadeed ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqa shaqada, loona abuuro fursado shaqo oo waara.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta xirfadaha farsamada gacanta iyo ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.


