Wararka
Gudoomiyaha hay'adda SoDMA oo Turkiga kula kulmay Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada

Xayeysiis
Antalya (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Antalya ee dalka Turkiga, kula kulmay Ms. Carol Chouchani Cherfane, Agaasimaha Xarunta Carabta ee Siyaasadda Isbeddelka Cimilada, ahna Hoggaamiyaha Kooxda Isbeddelka Cimilada iyo Ilaalinta Khayraadka Dabiiciga ah ee UNESCWA.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan horumarinta adeegyada digniinaha hore, wadaagista xogaha cimilada, kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Hay’adda SoDMA, iyo diyaarinta qorshe mideysan oo lagaga hortagayo saameynta isbeddelka cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda ee dalka.


La wadaag



