Wararka
Xafladda daahfurka imtixaanka garsoorka iyo xeer-ilaainta oo lagu qabtay Beydhabo
Xayeysiis
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa si wadajir ah u daahfuray imtixaanka xulashada ee garsoorayaasha iyo xeer-ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabaddaan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah hoggaanka Dowlad Goboledka K/Galbeed,saraakiil iyo mas’uuliyiin kale,iyadoo xafladdaasi ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed.
Ka qeybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa muujinaya taageerada iyo muhiimadda la siinayo horumarinta nidaamka garsoorka, tayeynta aqoonta iyo kartida garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha iyo dhismaha hannaan caddaaladeed oo hufan oo ku dhisan cadaalad iyo isla-xisaabtan.
Caddaaladdu waa tiirka dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaaaan Ibraahim Iidle Suleymaan oo furitaanka imtixaanka ka hadlay.


