Wararka
Wasiir Al-Cadaala "Dowladda waa ka go’an tahay inay ka shaqeyso oo ay howshooda guda galaan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir"

Xayeysiis
Muqdisho (SONNA): Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb gelaya Dood Cilmiyeed ku saabsan guulaha laga gaaray dadaallada dowladda ee awoodda dib loogu celinayo shacabka ayaa sheegay in doorashooyinkii ka dhacay Banaadir, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele ay ka mid yihiin tallaabooyinka dowladdu u qaaday in awoodda dowladnimada shacabka loo celiyo.
“Dowladda waa ka go’an tahay inay ka shaqeyso oo ay howshooda guda galaan Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, mar dhawna natiijada dadaallada socda waa la arki doonaa.” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa wax laga weydiiyey isbadalada siyaasadeed ee ka dhacay Koofur Galbeed ayaa ku jawaabay “Koonfur Galbeed waxaa ku soo duulay khawaarij iyo ajaanib wada socda, waxaana kooxahaasi duulan ku yihiin kheyraadka deganadaas yaala.”
Wasiir Al-Cadaala ayaa ka hadlay wada hadallada siyaasadeed ee dowladdu doonayso inay la furto siyaasiyiinta danaynaya inay ka qaybgalaan hanaanka siyaasadeed ee dalka, isagoo xusay in mar walba dowladdu doonayso inay furnaadaan albaabada wada hadalku.
“Dowladda waxay diyaar u tahay in ay sameyso wax kasta oo taanusul ah, laakiin qof guri isku xiray, diidan in loo tago si loola tacaamulo, cidii taqaano luqadda lagula hadlo ayaan marti uga nahay in ay nagala shaqeyso.” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.









