Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo xeebta Liido casho sharaf ugu sameeyay wafdi ka socda Boqortooyada Sucuudiga

Xayeysiis
Muqdisho (SONNA): Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa casho sharaf ku maamuusay Xoghayaha Guud ee Xarunta Ilaalinta Fikirka iyo Ka-hortagga Xagjirnimada ee Boqortooyada Sacuudiga, Sareeye Gaas Cabdullaahi bin Haadi Al-Haajiri iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.
Wasiirka ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashadooda Soomaaliya iyo kulamadii ay la yeesheen madaxda dalka, kuwaas oo lagu xoojinayo iskaashiga ka-hortagga fikirka xagjirnimada iyo la dagaallanka afkaarta gurracan ee kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo khatar ku ah nabadda dunida, gaar ahaan dalalka Islaamka.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka-hortagga fikirka xagjirnimada iyo madaxda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.










