Wararka
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaraya waddada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan
Xayeysiis
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaraya waddada Jamhuuriya oo dhacda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xafladdii xarig-jarka ayaa ka warbixiyay dadaalka dowladda ee ku aadan dib u dhiska dalka iyo ahmiyadda wadadaan ay u leedashay bulshada Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay ka qeybqaata dib u dhiska dalka ,isla markaana aan iska qabanno cid kasta oo duullaan ku ah jiritaankeenna”, sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.


