Wararka
Muqdisho oo lagu qabtay kulan la xiriiray maareynta biyaha ee wabiga Shabeelle

Xayeysiis
Maamulka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS ayaa daahfurtay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa sida laga yeelayo qabyo qoraalka tilmaamaya qaab dhismeedka Maamulka Waraabka ee Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP).
Kulankaan oo uu daahfuray Kusimaha Agaasimaha Guud Ahna Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Mudane Siyaad Cabdi Jaamacad,waxa uu ujeedkiisa uu ahaa in si wadajir ah dib u eegis loogu sameeyo qabyo qoraalka, laguna heshiiyo waxyaabaha lagu daraayo iyo kuwa la hagaajinaayo.
Kulankaasi wadatashiga ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiillada guddiyada waraabka ee degmooyinka Jowhar, Balcad, Afgooye iyo Jannaale, ganacsatada gaarka ah, jaamacadaha iyo saaxiibbada horumarinta, Wasaaradaha Beeraha ee Dowlad-goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, taasoo taageero farsamo ka helaysa Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Qaar kamid ah Ka-qaybgalayaasha kulanka ayaa soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan doorarka hay'adaha, qaybsiga biyaha, maareynta abaarta, dayactirka kanaalada iyo xallinta khilaafaadka biyaha.
Kulanka ayaa waxaa laga rajeynaa in ay ka soo baxaan xeerar cad oo lagu maamulo biyaha Webiga Shabeelle iyo kaydka biyaha Xawaadleey,gaar ahaan xilliga Jilaalka iyadoo la ilaalinaayo beeraleyda yaryar.


