Wararka
WASIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYA OO KA QAYB-GALAY SHIRWEYNAHA 12-AAD EE TURKISH MEDICAL WORLD CONGRESS

Istanbul(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaga qayb-galay Shirweynaha 12-aad ee Turkish Medical World Congress, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Turkiga, Prof. Dr. Kemal Memişoğlu.
Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka shirweynaha, isaga oo iftiimiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca caafimaadka, horumarinta adeegyada caafimaadka, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka iyo ka faa’iidaysiga cilmi-baarista iyo teknoolojiyadda casriga ah si loo dhiso nidaamyo caafimaad oo adkaysi leh.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan doorka Dowladda Turkiga ee taageerada iyo horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya.
Shirweynahan oo socday 29–31 Oktoobar 2026 ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirro caafimaad, khubaro, cilmi-baarayaal iyo madax ka socotay dalal kala duwan, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta cilmiga caafimaadka, hal-abuurka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagula tacaalayo caqabadaha caafimaad ee dunida.






