Wararka
Imaaratka oo Jab diblomaasiyadeed la kulmay

Xayeysiis
New York (SONNA): Mrs. Lana Nusseibeh oo hore u aheyd wasiir iyo Wakiilka UAE u joogay Qaramada Midoobay oo musharax u ahayd Xilka Xoghayaha Guud oo doonaysay inay bilowga sanadka 2027 bedesho Mr. Antonio Guterres ayaa la kulantay wajigabax siyaasadeed oo hamiga Imaaraadka Carabta meesha ka saaraya.
Shalay 20 Nov. 2026 waxaa dhacday Codeeyntii hor dhaca ahayd ee dalalka leh codka Veto, waxaana Saddax ka mid ah ay diideen Lana, kuwaas oo kala ah UK, France iyo China, guud ahaan 15-ka dal golaha ammaanka waxaa diiday 7-dal, waxaa taageeray 6-dal, halka ay ka aamuseen 2-dal.
Halka Rebec Grynspen oo ah haweeney reer Costa Rica oo la tartamaysay Lana ayaa ku guuleysatay 10-cod ogol ah, 4-diiday iyo mid ka aamusay.
Musharaxa UAE, waxaa lagu eedeeyay in ay hor istaagatay, warbixintii Khubaro ka tirsadeed Qaramada Midoobay ay ku sheegeen in Imaaraatku maalgaliso Jabhadda RSF ( Rapid Support Forces) ee dalka Sudan xasuuqa ka geysatay.
Waxaa kale oo dharbaaxo ku noqotay in Hogaamiyihii hore ee Xisbiga Conservative Party ee UK in uu Barlamaanka dalkiisa ka hor sheegay in UAE ay dhaqaale badan siiso koox Argagixiso oo ka dagaalanta Sudaan, ayna jiraan 2-nin oo Ingriis ah oo si sharci daraa ugu xiran UAE muddo 20 Sano ah.
Prof Yaxye Caamir oo arrintan wax ka qoray ayaa qaba in Lana ay ku jirtay Fadeexadda "Epstain File" taas oo dhaawacday sumcadeeda diblomaasiyadeed, balse wali ay dowladeedu doonayso inay lacago laaluush ah ku bixiso inay kursigan ubtartanto.



