Gudaha
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo booqday xarunta Golaha Qaxootiga Norwey

Xayeysiis
Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa booqday xarunta Golaha Qaxootiga Norway (NRC) magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee NRC, Mudane Jan Egeland, Kulankan waxaa uu daba-socday booqashadii uu bishii Agoosto ee sanadkan Soomaaliya ku yimid Xoghayaha Guud ee NRC, waxaana diiradda lagu saaray dib-u-eegista qodobadii horey looga wada hadlay iyo dardargelinta fulintooda, si loo xoojiyo wax-ka-qabashada musiibooyinka iyo gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha dalka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay diyaarinta hoy ammaan ah oo loogu talagalay dadka barakacay, gaarsiinta kaalmada Banii’aadanimada, adeegyada biyaha iyo fayadhowrka, iyo ka hortagga cudurrada ka dhasha fatahaadaha.
Intii uu socday Kulanku, waxaa kale oo lagu falanqeeyay dardargelinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee SoDMA iyo NRC, iyadoo xoogga la saaray xoojinta isku-duwidda gurmadka, digniinta hore, tallaabada hore, diyaar-garowga degmooyinka iyo adkeysiga bulshada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku baaqay in gargaarka Banii’aadanimada la gaarsiiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ay musiibooyinku saameeyeen dalka oo dhan, si loo xaqiijiyo helitaanka gurmadka waqtigiisa ku habboon, loogana hortago barakac khasab ah iyo inay dadku u hayaamaan deegaanno kale iyagoo raadinaya gargaar iyo adeegyo aasaasi ah.






