Wararka
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐๐ฅ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, munaasabadda 21-ka Nofeembar oo ku beegan Maalinta Macallinka.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in macallimiintu ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhismaha mustaqbalka dalka, maadaama ay jiilasha soo koraya ku barbaariyaan aqoon, akhlaaq, waddaniyad iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliyeed,
Mudane Xamsa, ayaa si gaar ah u ammaanay macallimiinta Soomaaliyeed ee ku howlan gudashada waajibaadkooda waxbarasho, kuwaas oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, kuna bixiya dadaal iyo dulqaad si ubadka Soomaaliyeed u helaan waxbarasho iyo fursado wanaagsan oo ay mustaqbalkooda ku dhistaan, isaga oo adkeeyay in maamuusidda macallinku ay tahay maamuusidda aqoonta, horumarka iyo mustaqbalka ummadda.</p>
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay helidda bareyaal aqoon u leh barbaarinta ubadka.



