Wararka
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO MACALLIMIINTA SOOMAALIYEED U DIRAY HAMBALYO KU AADAN 21-KA NOVEMBER.

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA);-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan munaasabadda 21-ka November oo ku beegan maalinta Macallinka Soomaaliyeed u diray guud ahaan Macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in munaasabaddan ay tahay maalin mudan in la xuso, islamarkaana ay tahay in la xusuusto dadaalka, dulqaadka iyo naf-hurnimada ay macallimiinta Soomaaliyeed ay u hurayaan dhismaha jiil aqoon leh, akhlaaq wanaagsan iyo waddaniyad ku dheehan tahay.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Macallinka uu yahay iftiinka aqoon, barbaariyaha jiilka cusub, dhisaha mustaqbalka Qaranka, halyeyga u taagan ciribtirka jahliga, kobcinta akhlaaqda iyo sidoo kale horumarinta bulshada Soomaaliyeed.


