Gudaha
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo ka qeyb galay Shirka 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka

Xayeysiis
Montreal,(SONNA):- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa magaalada Montreal ee dalka Canada kaga qaybgalay Shirka 7-aad ee Gaadiidka Cirka Adduunka (ATCONF/7) iyo Kulanka 43-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO – A43EX), kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 16-kii ilaa 20-kii Nofeembar 2026.
Shirarkan oo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka socday 115 dal, wasiirro iyo madaxda hay’adaha duulista rayidka ee caalamka, ayaa diiradda lagu saaray horumarinta gaadiidka cirka, badqabka iyo amniga duulimaadyada, kobcinta maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Intii uu ku sugnaa magaalada Montreal, Wasiir Maxamed Faarax Nuux waxa uu kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshay madaxda sare ee Hay’adda ICAO, oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee ICAO, Mudane Juan Carlos Salazar Gómez Agaasimaha Gobolka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee ICAO (ESAF), Marwo Lucy Wanjiku Mbugua Agaasimaha Waaxda Horumarinta Awoodda iyo Hirgelinta (CDI), Mudane Fabio Rabbani.
Kulamadan waxaa si qoto dheer looga wada hadlay qodobo muhiim u ah horumarinta duulista rayidka ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
1- Xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO.
Sidii Soomaaliya ay matalaad rasmi ah ugu yeelan lahayd xarunta dhexe ee ICAO ee Montreal <br> 🔹sidoo kale Xafiiska gobolka ee Fadhigiisu yahay Nairobi.
Dardargelinta diyaar-garowga kormeerka caalamiga ah ee badqabka duulista rayidka (ICAO Safety Audit).
Kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka howlgala waaxda duulista rayidka.
Helitaanka qalab iyo taageero farsamo oo lagu horumarinayo adeegyada hagista hawada (ANS), iyo dhammaystirka rakibidda qalabka muhiimka ah ee in mudda ah yaalay magaalada Baydhabo, kaas oo muhiimad gaar ah u leh hawada dalka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS waxaa ka go’an sii wadidda dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta kaabeyaasha duulista rayidka, iyo xaqiijinta in Soomaaliya ay yeelato matalaad iyo door muuqda oo ku aaddan hoggaaminta iyo horumarinta duulista rayidka ee adduunka.













