Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐๐๐ง๐ง๐๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ-๐๐ฎ๐๐๐๐ซ๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐

Muqdisho, Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shir-Sannadeedka Labaad ee Isku-dubbaridka Heerarka Dowladda ee Adeegyada Bulshada.
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay laf-dhabar u yihiin dardargelinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee 2025โ2029.
Ra,iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay dowladda ka sugayaan waxqabad iyo adeegyo tayo leh oo si siman u gaara dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan bulshada nugul.
Mudane Jibriil ayaa ku boorriyay hayโadaha dowladda inay xoojiyaan wada-shaqaynta, isla-xisaabtanka iyo dabagalka goโaannada, si qorsheyaasha loogu beddelo natiijooyin wax-ku-ool ah oo ay bulshadu saameen ku yeelata.














