Wararka
Maamulka Gobolka Banaadir oo oo Muqdisho kusoo dhaweeyay Duqa magaalada ST, Lous Park ee dalka Maraykanka
Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa Jimcada maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle waxa uu ku soo dhaweeyay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota, dalka Maraykanka, Nadia Mohamed, oo booqasho rasmi ah ku timid Caasimadda Muqdisho.
Nadia Mohamed oo ah haweeneydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed, Muslimad iyo Madow ah ee loo doorto xilka Duqa Magaalada St. Louis Park, yey guusheedu ay astaan u tahay horumarka iyo kaalinta sii kordheysa ee ay Soomaalidu ku leeyihiin hoggaaminta, adeegga bulshada iyo metelaadda siyaasadeed ee caalamka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa booqashada Duqa Magaalada St. Louis Park, Marwo Nadia Mohammed waxa uu ku tilmaamay mid xoojinaysa xiriirka u dhexeeya Caasimadda Muqdisho iyo St. LouisPark, isla markaana muujinaysa muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta iyo maamuusidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee guulaha wax-ku-oolka ah ka gaara fagaarayaasha caalamiga ah.
Dhanka kale, Mudane Yabooh, oo ku bogaadiyay Nadia Mohamed guusha taariikhiga ah ee ay gaartay ayaa u rajeeyay inay sii xoojiso doorkeeda hoggaamineed iyo adeegga ay u hayso bulshada ay matasho.
Soo dhoweynta Marwo Nadia ayaa waxaa ka qaybgalay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Mas'uuliyiin heer federaal iyo heer gobol, Waxgaradka Caasimadda, iyo kooxda suugaanleyda hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee Barbaarta Gaashaaman.

