Wararka
Wasiirka Beeraha oo kormeer shaqo ku tagay qaybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta booqasho shaqo iyo kormeer ku tagay Suuqa Weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo khudaarta, isaga oo si gaar ah ugu kuurgalay ganacsiga khudaarta, gaar ahaan mooska.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirku waxa uu kulan la yeeshay ganacsatada mooska, kuwaas oo si faahfaahsan ula wadaagay caqabadaha ay la kulmaan beeraleyda, gaadiidka khudaarta soo qaada iyo ganacsatada ku hawlan wax-soo-saarka iyo gaarsiinta suuqyada gudaha.
Ganacsatadu waxay si gaar ah u soo bandhigeen dhibaatooyinka la xiriira waddooyinka iyo caqabadaha ka jira goobaha hubinta iyo kontoroollada, kuwaas oo lacago badan looga qaado gaadiidka inta uu ku jiro safarka u dhexeeya beeraha iyo suuqa. Waxay tilmaameen in arrimahaasi ay kordhiyaan kharashaadka gaadiidka, isla markaana saameyn ku yeeshaan qiimaha wax-soo-saarka gudaha dalka.
Wasiirku waxa uu dhegeystay tabashooyinka iyo talooyinka ganacsatada, isaga oo xog dheeraad ah ka ururiyey xaaladda iyo caqabadaha hortaagan kobaca wax-soo-saarka beeraha.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xoojinayo xiriirka ay la leedahay beeraleyda iyo ganacsatada, laguna fahmayo caqabadaha saameeya silsiladda wax-soo-saarka, gaadiidka iyo suuq-geynta dalagyada beeraha.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku waxay mudnaan siinaysaa horumarinta wax-soo-saarka gudaha, iyadoo dhiirrigelinaysa ganacsiga dalagyada Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi suuqeed oo taageera beeraleyda iyo ganacsatada, isla markaana kobciya dhaqaalaha dalka.







