calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Wararka

Ra’aysulwasaare Xamsa: “Waxaa jira siyaasiyiin diiddan in ummadda Soomaaliyeed ay isku tagto”

Ra’aysulwasaare Xamsa: “Waxaa jira siyaasiyiin diiddan in ummadda Soomaaliyeed ay isku tagto”
Ra’aysulwasaare Xamsa: “Waxaa jira siyaasiyiin diiddan in ummadda Soomaaliyeed ay isku tagto” — SONNA

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin diiddan in ay ummadda Soomaaliyeed isku tagto, oo deegaannada ay joogaan dadka ku nool xabsi uga dhigay.

Ra’aysuwasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabad lagu soo gabagabeynayay xuska maalmaha xorriyadda iyo midowgii labada gobol ayaa intaa ku daray in aysan dembi ahayn in Askari Soomaaliyeed ay dowladduu mushaar iyo dallacsiin siisay kadib markii ay dayaceen maamulladii mas’uulka ka ahaa.

“Waxaa jira siyaasiyiin diiddan in ay ummadda Soomaaliyeed isku tagto, oo deegaannada ay joogaan dadka ku nool xabsi uga dhigay, goormee dembi noqotay in askari Soomaaliyeed, oo mishaar ay siin waayeen kuwii qolka ku xirtay, ay dowladdiisu mishaar iyo dalacsiin siiso.”

Wuxuu sheegay in shacabkeennu ay direen farriimo cadcad oo ay macnaheedu tahay Soomaali baan nahay dadna waa ugu sarreeynaa, sidaa daraadeedna aynaan oggoleen fara gelin shihseeye, kala qaybin, kala qoqob, waxaannu nahay hal umma doo mideysan.

Ugu dambayn, wuxuu Ra’aysulwasaaruhu kula dardaarmay Ummadda Soomaaliyeed in aysan ugu dheg raaricin kuwa siyaasiyiinta sheeganaya ee doonaya in ay kala qaybiyeen.

La wadaag