Wararka
HOGGAAMIYAHA GALMUDUG OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MADAXWEYNIHII HORE EE HIRSHABEELLE

Xayeysiis
Dhuusamareeb(SONNA:- Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Cabdullaahi Cosoble, Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Hoggaamiyaha ayaa marxuumka ku tilmaamay mas'uul usoo adeegay dalkiisa, isla markaana door muuqda ka soo qaatay dadaallada dowlad-dhiska, dib-u-soo kabashada hay’adaha dowliga ah iyo horumarka dalka.
Hoggaamiye Liibaan ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, una dembi dhaafo, isaga oo qoyskiisa, eheladiisa, shacabka soomaaliyeed la wadaagay murugada geerida, una rajeeyay samir iyo iimaan.
La wadaag



