Maqaallada
Maxaad ka taqaan Heestii Caalamka Gilgishay Xilligaan (WARBIXIN)
Heestan ma aha mid Soomaalidu kaliya isku difaaceyso, laakin u hiillinaysa dalal badan oo nala dhibaato ah.

Xayeysiis
laga soo bilaabo ambaqaadkii dowladnimada Soomaaliya oo ku beegnayd 1960kii fanku wuxuu hadba la dareen ahaa hadba marxaladaha siyaasadda dalka, isagoo dagaal iyo nabadba ay ku gali jireen Afmaaladii hore ee Soomaalida, taas oo aan ka garan karno heesihii ay qaadi jireen hoballadii ciidamada Xoogga iyo kuwii Radiyo Muqdisho ee sanadihii 1974/5kii, kuna saabsanaa dagaalladii Soomaalia oo curdun ah iyo Ethiopia oo ka mid ahayd gumaystayaashii gaamuray,
Sidoo kale 1977kii iyo doorarkii kala duwanaa ee dhammaanba kooxihii badnaa ee dalku lahaa, haba ugu cadcaddaadeen Kooxda Heegan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo heysatay AUN Abwaan Cabdi Bashiir Indho buur, iyo Hoballadii Waaberi oo aan hal iyo laba toona laga xussi karin maadaama ay ahaayeen wada Cabqariyiin Gaamuray.
Haddaba sidaad maalmahanba aan la wada soconno heestan falastiin ee ay Hoballada Waaberi soo qaadeen waxay kaga duwan tahay kuwii horey ee loogu dagaal galin jiray cidday doonaanba ha khuseysee in taariikhda markii ugu horraysay lagu turjumo luuqado badan, si loo hubiyo inay wada fahmaan guud ahaanba duniday khuseyaso.
Marka labaad waa Hees aanan kaliya ay Soomaalidu isku difaacaynin, laakin u hiillinaysa dalal badan oo nala dhibaato ah.
Tan seddexaad waa heestii labaad ee Af soomaali ah ee dunida wada gaartay, marka laga reebo heestii Fanaanad nimco happy, oo qudheedu wada Afsoomaali aheyn, balse sidatay Calankeena Buluugga ah.
Dhab ahaan waa ammaan u soo hoyatay guud ahaan Soomaalida, gaar ahaana Hoballada Waaberi, islamarkaana aad baan ugu hambalyeyneyana Abwaanka Heestaasi Alifay Abwaan Jamaal Cabdi Nuur ( Jamaal yare ), halka Laxanka uu u sameeyay Abwaan Barri Maxamed fiidoow Leento, halka soo Saaristii iyo Isku dabaridkii uu leeyahay Salaad Cabdi Caadle.
Dhinaca kalana la Taliyihi dhinaca siyaasadda ee Madaxweynaha Imaaraatka Carabta MBZ. Anwar Gargash inuu sidaan u soo cabaado waxaa iska leh shacabka Somaliyeed oo Toosh xooggan ka daba qaatay Imaaraatka Carabta, banankana keenay ceebo qarsoonaay sida dadka lagu laayey Daarfuur iyo EL-Fasher. Gargash maanta waxay ka taagan tahay innaga joojiya kaalmeynta kooxda falaagadda Sudan ee RSF. Berrina waxa ay la soo istaagi doontaa inaga soo saara Soomaaliya waa ay nagu dhacdaye. waxa ay Imaaraatku khasaariyeen u tartankii kursiga Xogahayaha Qaramada Midoobe ka dib markii dhaleeceyn xooggan uga timid wadamo badan iyo xubnaha Qaramada Midoobay.

Wadanka Imaraadka Carabta oo ku hor ceeboobay Qaramada midoobay, ka dib markii la ceyrsaday Musharixiyad u dhalatay dalka Imaraadka Carabta. Gabadhan oo laga hor istaagay in ay isku so sharaxdo Xoghayaha guud ee Qaramada Madoobay ee bedeli lahaa Antonio gotress, waxaana codka diidmada qeexan u adeegsaday 3 ka mid 5 ta codka Vitoga leh, waana wadamada Shiinaha, faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Gabadhaan oo la yiraa Lana Nuseybah, waa ay guul dareysatay oo ma noqoneyso Xogahyaha Guud ee Qaramada Midoobe sannadka 2027-ka ilaa 2030-ka. Waa Imaaraatiyad Xaqirtay Xasuuqii Daarfuur midkii ka dhacay EL-Fasher ee dalka Sudan. Waa mid jecel in la daadiyo dhiiga shacabka reer Suudaan ee aan waxba galabsan, Taasina waxa ay caddeyneysa in Imaraadka Carabta meel kasta laga nacay oo xataa Galadi ayba hadda iska naceen.



