Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan
    May 11, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka
    May 11, 2026
    Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka warbixiyay Doorashooyinka K/Galbeed
    May 10, 2026
    ๐‘W ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š
    May 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Tรผrkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hayโ€™adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Tรผrkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    โ€œKoonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyaddaโ€œ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaWararka

Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 11, 2026
7 Min Read
Share

Kumannaan qof oo Shacabka ah oo ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ayaa shalay u dareeray goobaha codbixinta doorashada wakiillada iyo golayaasha degaanka, waxayna Doorashooyinkan ayaa ka qabsoomeen 13 degmo oo ka kala tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose. Doorashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka, iyadoo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan uu magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furay goobaha codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Markii ay inta badan goobihii codeynta degmooyinka Koonfur Galbeed ay soo gabagaboobeen, ayaa durbadiiba waxaa la bilaabay tirinta cododka, waxayna Tirinta codadku u socotaa si daah furan, iyadoo goob walba ay ku sugan yihiin Wakiillo ka socda Ururrada doorashan qof iyo Codka ah ee ku tartamayaan, waxaana warqad walba ee lagu codeeyay la tusayo Wakiillada, marka Sanduuqa laga soo bixiyo, si ay u ogaaday codkaas cida ku guuleysatay.

Wararka la helayo ayaa tibaaxaya in Tirinta codadku ay socon doontaa ilaa maanta gelinka dambe, waxaana natiijada la filayaa in lagu dhawaaqo 24 saac kadib xiliga doorashada la soo gabagabeeyo, waxaana uu ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan Faahfaahin ka bixiyay doorsahada shalay ka dhacday deegaanada kala duwan ee Koonfur Galbeed, wuxuuna caddeeyay in shacabka ku nool 13-ka Degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay shalay aroortii u dareereen in ay codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka tooska ah.

โ€ Walaalayaal maanta oo bishu May tahay 10 2026, maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka dhacay Doorashooyinkii isa-saarnaa oo waqti badan la sugayay, saakay marka ay noo ahayd 6-dii ย subaxnimo goobaha Doorashada furmeyn, waxayna xirmeyn 6-da maqribnimo, codeynta waa soo idlaadeen marka hal goob laga reebo, waxaanna socota tirinta cododka, waa Alle mahaddiis seddex gobol oo maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay ( Shabeellaha hoose, Baay & Bakool), in ay maanta ka dhacday Doorasho isa-saaran oo golaha Wakiillada ah, 60-sanno ku dhowaad kama dhicin doorasho noocaan oo kale,โ€.

Guddoomiyaha,ayaa sheegay in Shacabka iyaga oo cidna ka cabsaneyn safaf dhaadheer u galeen codeynta Doorashada, xitaa waxaa qeyb ka ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo u adkeysanayay cadceedda, si ay u doortaan masโ€™uuliyiintooda. Hayโ€™adaha amniga ayuu ku bogaadiyay sida hufan ee ay u sugeen amniga goobaha doorashooyinka ka dhacayeen iyo dadka ka qeyb galayay, wuxuunna ku tilmaamay geesiyaal u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliya, ugu dambeyntii waxa uu hoosta ka xariiqay in doorashada Koonfur Galbeed ka dib, u jiheysanayaan maamullada Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland, halkaas oo ay ka qabanayaan Doorashooyinka qof iyo codka ah ee ujeedkeedu yahay in shacabka tallada loo dhoweeyo.

Raโ€™iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar la taaban karo, iyada oo dowladdu ay xoogga saartay dib-u-dhiska hayโ€™adaha, xoojinta amniga, horumarinta dhaqaalaha, ballaarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta hannaan dimuqraadiyadeed loo dhan yahay, wuxuuna xusay in dowladda Soomaaliya ay qorshaynaso in dalka laga hirgaliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isaga oo tilmaamay in madaxda dowladda ay ka goโ€™antahay wadatashi iyo is-afgarad lagu xoojinayo amniga iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Xamsa ayaa hadlkaasi a jeediyay ย munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day) ayaa ku bogaadiyey Midowga Yurub iyo dowladaha xubnaha ka ah doorkooda ku aaddan taageerada Soomaaliya.

โ€œ 13-degmo oo ka ka mid ah Dowlad gobolleedkaas ayaa saakay waxay u dhaqaaqeen in ay codkooda dhiibtaan oo ay doortaan Dowladaha hoose iyo Koonsalada degmooyinka iyo wakiillada Dowlad goboleedka intaba, waxaa Illaah mahaddii ah saacaddan aan idin la hadlayo oo maalintii ay gebo-gebo joogto in wax dhibaato ah iyo wax culeysyo ah ama dhib ah oo dhacay aanay jirin, dadkana ilaa saakay safaf dhaadheer u taagan yihiin in ay codkooda dhiibtaan, dad waayeel, dad baahiyo gaarka ah qabo iyo dhallinyaro ay taagan yihiin oo ay codkooda dhiibanayaan,โ€™โ€™, sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Doorashooyinka qofka iyo codka ah ee shalay looga dareeray deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo cabiraya raโ€™yigooda iyo cidda ay rabbaan in ay hoggaamiso, wuxuuna hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed oo taariikh iyo bog cusub u furay Soomaaliya, wuxuuna Khudbad uu jeediyay ku soo hadal qaaday magaalada Muqdisho iyo bannaanbaxyada rabshadaha watay ee siyaasiyiinta qaar ku owr-kacsanayeen shacabka, isagoo madaxweynaha suโ€™aal geliyay sababta bannaanbaxa loogu soo aaddiyay, iyadoo meelo ka mid ah dalka ay ka dhacayaan Doorashooyin toos ah iyo sababta loogu soo beegay iyadoo Dowladda Federaalka ay ku baaqday shir hordhac ah oo wada-xaajood ah in la isugu yimaado.

โ€œWaxaan hambalyo iyo boggaadin aan la soo koobi karin u dirayaa shacabka sharafta badan ee degmooyinka Koonfur Galbeed ee sida nabdoon maanta codkooda u dhiibtay si ay usoo doortaan golayaasha deegaanka iyo wakiilada. In shacabka doortaan wakiiladooda waa xuquuq Dastuuri ah oo ay muddo dheer kadib dib u heleen iyo riyo xaqiiqowdayโ€, sidaasina waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Riisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shalay Dadweynaha reer Koonfur Galbeed waxay u tahay maalin togan, oo ku suntan taariikhdooda Dowladnimada. Doorasho qof iyo cod ah, oo halmar ka dhacday 13 degmo oo ka kala tirsan 3 Gobol ee kala ah:- Baay, Bakol iyo Shabeelada Hoose, si nabad ahna ku soo idlaata waa arrin mudan boggaadin, waxaana la tilmaammayaa goobihii shalay laga codeeyay ayaa waxaa laga xusi karaa, magaalooyinka Baydhabo, Xudur, Waajid, Ceelbarde, Marko, Baraawe, Afgooye, Buur-Hakaba, Wanlaweyn, Awdheegle, Bardaale, Diinsoor iyo Qansaxdheere.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Muqdisho(SONNA):-Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay Dowladda Federaalka…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xubno ka tirsan Ururka EAC oo lagu soo dhoweeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo…

GudahaWararka
February 4, 2023

Safiirka JFS ee Masar oo booqasho sharafeed ugu tagey Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

Muqdisho (SONNA)-Safiirka J.F.S ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta…

GudahaWararka
December 30, 2021

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameerico), iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa magaalada Abu Dhabi kulan miro-dhal…

GudahaWararka
December 14, 2025

warbixin: Mileteriga Mayanmaar oo dilay 75- caruur ah

Guddiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa jimcihii sheegay inay heleen macluumaad lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in 75 carruur…

Caalamka
July 17, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023