calendar_todaydevice_thermostat
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Taliyaha Hay'adda NISA oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliyaha Hay'adda NISA oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq
Taliyaha Hay'adda NISA oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq — SONNA

Cabudwaaq,(SONNA):- Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo maanta gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaaladaas, madaxda Galmudug, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, ka fogaanshaha colaadaha dadka walaalaha ah ee wada dega waqooyiga gobolka Galgaduud, iyo xoojinta wada shaqeynta ciidamada ammaanka.

Taliyaha ayaa si qoto dheer uga hadlay saamaynta ay colaadaha beeluhu ku leeyihiin guud ahaan Galmudug, doorka ay ku leeyihiin amni darrada, iyo sida ay u carqaladeeyaan isu socodka iyo isdhexgalka bulshada.

Waxa uu si gaar ah odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ugu baaqay inay laba jibbaaraan dadaallada lagu joojinayo colaadaha muddada dheer ragaadiyay deegaannada kala duwan ee Galmudug.

Gabagabadii, mas’uuliyiintii, odayaashii dhaqanka iyo qaybihii kala duwanaa ee bulshada ee ka qaybgalay kulamada ayaa uga mahadceliyay Taliyaha Hay’adda NISA doorkiisa ku aaddan nabadaynta, xasillinta iyo horumarinta guud ahaan Galmudug.

La wadaag