Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday xarunta Safaaradda JFS ee Azerbaijan

Muqdisho,(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Azerbaijan, Danjire Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Baku kusoo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Mohamud, oo magaalada Baku u yimid ka-qaybgalka Madasha 7-aad ee Caalamiga ah ee Wadahadalka Dhaqamada Kala Duwan (7th World Forum on Intercultural Dialogue 2026).
Intii uu kulanku socday, Safiirku waxa uu Wasiirka warbixin ka siiyey xaaladda guud ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Azerbaijan, heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray iyo iskaashiga sii kordhaya ee labada dal.
Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in xiriirka labada dal uu hadda marayo heerkii ugu sareeyay, isla markaana ay jiraan fursado badan oo lagu sii xoojin karo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Wasiirka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweeynta diiran, isagoo bogaadiyey dadaallada iyo hawlaha ay Safaaraddu ka waddo dalka Azerbaijan, waxa uu sidoo kale ku ammaanay Safiirka iyo diblomaasiyiinta Safaaradda sida xilkasnimada, hufnaanta iyo hawlkarnimada leh ee ay ugu adeegayaan qarankooda, una horumarinayaan danaha iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.
Kulankani waxa uu muujinayaa muhiimadda ay leedahay isku-xirnaanta hay’adaha dowladda iyo doorka ay safaaraduhu ku leeyihiin xoojinta xiriirka dibadda iyo horumarinta danaha qaranka Soomaaliyeed.



















