Gudaha
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo Akhrinta Koowaad marsiiyay warbixinta xisaab-xirka Miisaaniyad Sannadeedka 2025

Muqdisho,(SONNA):- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 1-aad ee wadajirka ah, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee labada ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab-xirka miisaaniyad sanadeedka 2025, oo ay soo doyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana warbixinta Akhrinta koowaad ee warbixinta xisaab-xirka miisaaniyad sanadeedka 2025 mudanayaasha labada Aqal la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo faah-faahiyey hannaankii loo maray fulinta miisaaniyaddii dowladda ee 2025, kharashaadkii baxay, deeqihii la helay, waxqabadkii la gaaray iyo habraacyada la xiriira hanti-dhowrka.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda su’aalo ka weydiiyey qodobbada xisaab-xirka miisaaniyaddii 2025, gaar ahaan maareynta dakhliga iyo kharashaadka dowladda, hufnaanta maaliyadeed iyo habraacyada lagu xaqiijinayo isla-xisaabtanka, waxaana Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda uu dhankiisa Xildhibaanada labada Aqal uga jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen, isagoo si cad u sharaxay qodobbada la xiriira hannaanka maareynta iyo fulinta miisaaniyadda dowladda.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray fadhiga wadajirka ah ee labada Aqal ayaa sheegay in xisaab-xirka miisaaniyad sanadeedka 2025, ay ka gudubtay Akhrinta koowaad wuxuuna Xoghayaasha labada Aqal faray in ay ku wareejiyaan guddiyada miisaaniyadda ee Baarlamaanka labadiisa Aqal, si ay usoo diyaariyaan Akhrinta labaad dibna ugu soo celiyaan si looga doodo.



















