Gudaha
Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Muqdisho(SONNA);-Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh), ayaa kormeer ku sameeyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo qayb ka ah diyaar-garowga munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda.
Xubnaha Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa si wadajir ah u bogaadiyey diyaar-garowga Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga dalka, gaar ahaan goobaha lagu qabanayo munaasabadaha lagu xusayo Maalmaha Xorriyadda.




La wadaag



