Gudaha
Wasaaradda Beeraha XFS oo la wareegtay Agab loogu talagalay Beeraha dadan ( Greenhouses)

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS ayaa si rasmi ah ula wareegtay 10 beeraha dadan (Greenhouses), kuwaas oo loogu talagalay kor u qaadista wax soosaarka beeraha, casriyeynta hababka wax beerista iyo abuurista fursado shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Munaasabadda la wareegista beerahan dadan oo uu hoggaaminayay ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Mamaulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Siyaad Cabdi Jaamac, iyadoo tallaabadani qayb ka tahay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo beeraha casriga ah iyo awood-siinta dhallinyarada.
10-kaan beerood ee dadan ayaa daba socda 10 kale oo ay Wasaaraddu hore ugu wareejisay dhallinyaro haween ah, si ay ugu noqdaan ilo wax soosaar iyo shaqo abuur, sidoo kale beerahaan cusub ayaa loo qorsheeyay in lagu wareejiyo dhallinyaro kale, si ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee ka jira Qeybta beeraha.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka waxaa ka go’an sii wadista dadaallada lagu xoojinayo sugnaanta cuntada, kordhinta wax soosaarka gudaha, dhiirrigelinta hal-abuurka beeraha, shaqo-abuurka dhallinyarada, haweenka, si beeraha u noqdaan tiir muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.










