calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulan xog-wareysi ah la yeeshay shaqaalaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulan xog-wareysi ah la yeeshay shaqaalaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda
Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo kulan xog-wareysi ah la yeeshay shaqaalaha iyo Garsooreyaasha Maxkamadda — SONNA

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨,(SONNA):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa kulan is-xogwareysi ah la yeeshay shaqaalaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta habsami-u-socodka shaqada iyo tayaynta maamulka hay’adda.

Guddoomiyaha ayaa kulanka ka jeediyey ayaa ugu horayn kula dardaarmay shaqaalaha muhiimadda ay leeyihiin hufnaanta maamulka, gudashada waajibaadka shaqo, ilaalinta anshaxa iyo masuuliyadda qof kasta saaran. Waxa uu ku boorriyey shaqaalaha iyo garsoorayaasha inay waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo iyo xilkasnimo leh.

Sidoo kale, waxa uu Guddoomiyuhu adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta, is-fahamka iyo isku-duwidda waaxyaha kala duwan ee Maxkamadda, si loo helo shaqo hufan oo nidaamsan, loona horumariyo adeegyada garsoorka iyo kalsoonida bulshada ee hay’adda garsoorka.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn ku boorriyey dhammaan shaqaalaha iyo garsoorayaasha inay ilaaliyaan sumcadda iyo karaamada Maxkamadda Sarre, isla markaana muujiyaan anshax iyo masuuliyad shaqo oo ku dayasho mudan.

La wadaag