Gudaha
Maareeyaha Hay'adda NIRA oo la kulmay wafdi ka socda UNHCR

Xayeysiis
Muqdisho,(SONNA):- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde), ayaa xarunta Hay’adda ku qaabilay wafdi ka socday UNHCR, oo ay hoggaaminaysay Wakiilka Hay’adda ee Soomaaliya, Marwo Areti Sianni.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqaynta labada hay’adood iyo fududaynta helitaanka adeegyada aqoonsiga qaranka ee barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda aqoonsiga qaranka u leeyahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah.











La wadaag



