Caalamka
Dhulgariir Cabbirkiisu Yahay 5.0 Heerka Richter-ka oo ka Dhacay Los Angeles, California

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Sahaminta Juqraafiyeed ee Dowladda Mareykanka (USGS) ayaa sheegtay in dhulgariir cabbirkiisu yahay 5.0 heerka Richter-ka uu ka dhacay aagga xeebta Manhattan Beach, oo ku yaalla magaalada Los Angeles ee gobolka California, dalka Mareykanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in uusan jirin wax dhimasho ama dhaawac ah oo ka dhashay dhulgariirka, balse uu jiro burbur hantiyeed oo kooban, kaas oo soo gaaray qaybo yar oo ka mid ah dhismayaal ku yaalla goobihii uu dhulgariirku saameeyay.
Dhulgariirkan ayaa yimid xilli ay dadka gobolka California isu diyaarinayeen imaatinka duufaanta Tropical Storm Hilary, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay roobab xooggan ka da’ayeen koonfurta California. Roobabkaas ayaa ka dhashay duufaanta Hilary, oo qaybo ka mid ah ay dhammaadkii toddobaadkii hore ku dhufteen Jasiiradda Baja California.
Waaxda Dab-damiska Los Angeles ayaa dhankeeda ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, iyadoo 106 xarumood oo kala duwan la dhigay kooxaha gurmadka degdegga ah si ay u baaraan dhismayaasha burburay, una hubiyaan in ay jiraan waxyeellooyin kale oo aan weli la ogaan oo uu dhulgariirku sababay.
Sidoo kale, maamulka degmada Los Angeles ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay u diyaar garoobaan suurtagalnimada dhulgariirro kale oo yaryar, kuwaas oo dhici kara xilli kasta, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.






