calendar_todaydevice_thermostat…
Ugu Dambeeyay
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha DhexeMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu wadahadal la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Midowga AfrikaDhaqaalaha Soomaaliya wuxuu koray 3.2% rubucii koowaad ee 2026Dowladda Federaalka waxay bilaabatay barnaamijka aqoonsiga dhijitaalka ahCiidanka Qaranka waxay xireen waddo muhiim ah ee Shabeellaha Dhexe

Gudaha

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta
Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta — SONNA

Xayeysiis

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta.

Habraacan waxaa diyaarisay Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA, iyagoo kaashanaya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo hay’adda IMS.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, saraakiil ka socota Ciidanka Booliiska, culimada, bulshada rayidka ah iyo ururrada warbaahinta.

Xoghayaha Guud ee SOMA, Maxamed Cabdulwahaab kulanka ka ayaa sheegay in habraacu xoojinayo xiriirka, is-fahamka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa sheegay in qorshaha diyaarinta habraacaan uu soo maray marxalado kala duwan oo wadatashi ah, isla markaana lagu gaaray is-faham wanaagsan.

Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa bogaadiyey SOMA iyo Booliiska Soomaaliyeed oo dadaal geliyey diyaarinta habraaca maanta la daah-furay, Wasiirka ayaa sheegay in warbaahin xirfad iyo masuuliyad leh iyo Booliis ilaaliya amniga iyo badqabka suxufiyiintu ay muhiim u yihiin xorriyadda hadalka, helitaanka xog sugan iyo xasilloonida bulshada.

Sidoo kale, Wasiir Cabdifitaax ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo wadashaqeynta heerkan soo gaartay hay’adaha ammaanka iyo warbaahinta, lana fududeeyo helitaanka xogta rasmiga ah, halka warbaahintana looga baahan yahay xaqiijinta macluumaadka iyo ilaalinta masuuliyadda xirfadeed.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Warfaafinta ayaa balan-qaaday in Wasaaradu ay diyaar u tahay in laga wadashaqeeyo habraaca sidii loogu beddeli lahaa nidaam sharci ah, laguna ballaariyo dhammaan hay’adaha amniga iyo warbaahinta dalka.

La wadaag