Gudaha
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐ญ๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐ฌ๐ก๐

Xayeysiis
Muqdisho,(SONNA):- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa sheegay in dalkeenna ay u tahay maalin Qaran oo ku astaysan horumar, naf-hurnimo iyo badbaadinta ubadka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Tallaalka maanta la bilaabayo uu khuseeyo mustaqbalka carruurta, waaliddiinta iyo qof walba oo Soomaali ah maadama la badbaadinayo ubadkii Soomaaliyeed ee duruufaha kala duwan ay kusoo koriyeen Hooyooyinka Soomaaliyeed.
โWaa masuuliyad inna wada saaran qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaanna masuuliyiinta, in uu qeyb ka qaato wacyigalinta bulshada, si looga hortago cudurrada halista ee carruurteenna ka hor istaagi kara mustaqbalkooda iyo nolol caafimaad leh.โ. ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre.
Mudane Xamsa, ayaa adkeeyay in Qaranka Soomaaliyeed uu masuul ka yahay ilaalinta iyo daryeelka carruurta ka Xukuumad ahaanna ay ka goโantahay dardargelinta Ololaha lagu ciribtirayo cudurka halista ah ee dabaysha.
โWaxaan ku dadaalnaa wax kasta oo ay carruurta Soomaaliyeed u baahan yihiin, hadday tahay waxbarasho, cunto iyo daryeel, balse halista ugu weyn waxaa ka mid ah in cudurro laga hortagi karo ay carruurteenna u horseedaan naafo. Sidaas darteed waa muhiim in maanta laga qeybqaato sidii guri kasta loo gaarsiin lahaa tallaalka, Waxa aan doonaynaa in guri kasta la garaco, dhammaan carruurta Soomaaliyeedna la tallaalo, meel kasta oo ay kaga sugan yihiin gayiga Soomaaliyeedโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaruhu.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in macallimiinta Iskuullada ay ku wacyigaliyaan carruurta in ay tallaalka qaataan, sidoo kale masaajidda iyo goobaha kale ee la isugu yimaado laga hirgaliyo olole xooggan si carruurteenna loo ilaaliyo in cudurka dabayshu uu naafeeyo.






















