Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay hoggaanka Jaamacadda Sombridge

Xayeysiis
Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda Sombridge, Dr. Mahad Hashim Azhar, iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Mahad Osman Ahmed. Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, iyo Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarrada, Marwo Fartun Ahmed.
Wasiirka iyo hoggaanka Jaamacadda ayaa ka wada hadlay sidii ay u qaban lahaayeen tababarro wadajir ah oo ardayda lagu barayo xirfadaha saxaafadda casriga ah iyo warbaahinta dijitaalka ah. Waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii ardayda loogu abuuri lahaa fursado tababar-shaqo oo ay ka helaan Wasaaradda iyo hay’adaha warbaahinta.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay fursadaha iskaashi ee dhinacyada cilmi-baarista, xiriirka dadweynaha, dhaqanka, dalxiiska iyo wacyigelinta bulshada.





